Buuga Xusuus-qorkii Jeneraal Sahdaaliyay dagaalkii Maraykanka lagu jebiyay ee Muqdisho ka dhacay 30 sano kahor.(Maqaal)

Wargeyska Newyork Times ee kasoo baxa dalka Maraykanka ayaa baahiyay maqaal uu qorey qoraa lagu magacaabo Mark Bowden, kaasoo looga hadlayo dagaalkii 30 sano kahor magaalada caasimadda ah ee Muqdisho ku dhexmaray ciidamada Maraykanka ee duullaanka ahaa iyo shacabkii Soomaaliyeed ee ay hor boodayeen dhalinyaro mujaahidiin ah, oo uu hogaaminayay sheikh Cabdullaahi Axmed Sahal.

Sida lagu sheegay maqaalka, dagaalkii Muqdisho ee lagu jebiyay ciidamada Maraykanka, islamarkaana dhacay horaantii October, 1993-dii, ayaa moral dillaac ku ahaa inta badan dadka Ameerikaanka ah, oo rumeysnaa in ciidankooda ay Soomaaliya u joogaan taageerada Qaramada Midoobay iyo badbaadinta nolosha kumanaan ruux oo Soomaali ah, sida uu qoraagu hadalka u dhigay.

10 bilood kadib oo ay ciidamada Maraykanka joogeen Muqdisho, waxaa dhacay macrakadii 03-da October, taasoo dhalisya in la dilo 18 askari oo Ameerikaan ah iyo inkabadan 1000 ruux oo Soomaali ah, arinka xanuunka badanna wuxuu ahaa buu yiri qoraaga maqaalka, in shaashadaha telefeshinnada laga daawaday Soomaali careysan oo jiid-jiidaya meydadka askar Ameerikaan ah.

Ka hor inta aanu dhicin dagaalkii Muqdisho ee sanka dhulka loogu jiiday qabkii dowladda Maraykanka, waxay dowladani aaminsaneyd inaaney jirin cid u babac dhigi karta askarteeda, maadaama xilligaas dhow uu Maraykanku kasoo dhamaaday dagaalkii qaboobaa, isagoo guul ku fadhiya, iyo sidoo kale dagaalkii dabeysha Saxaraha ee Kuweyt looga saaray ciidamadii Saddaam Xuseen.

Sida warbixinta lagu daabacay wargeyska Newyork Times, 30 sano kadib dagaalkii Muqdisho lagu sheegay, madaxweynihii xilligaas ee dalka Maraykanka Bill Clinton ayaa rumeysan waayay waxa ku dhacay ciidamadiisa jooga Muqdisho, saraakiishii xafiiskiisa ayuuna si yaab leh u weydiiyay sida ay ku dhici karto arintan kale, waana tusaale kale oo muujinaya qabweynidii Maraykanka iyo sida ay dhulka ula gashey macrakadii 03-da October.

Wuxuu dagaalkani soo afjaray, sida uu tilmaamayo qoraaga maqaalka, joogitaankii ciidamada Maraykanka ee Muqdisho, iyo waxa loogu yeero howlgalkii Rajo soo celinta ee ay Qaramada Midoobay ka waday Soomaaliya, iyadoo ku andacooneysa iney gurmad siineyso shacabka Soomaaliyeed.

Halkaan Ka Dhageyso Warbixin Xusuus qorkii David Medy- dagalakii Muqdisho.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.