Daawo Documentary Muuqaal Ah oo Laga Diyaariayay Dagaalkii Unisom Lagula Galay Muqdisho 1993.

Al-kata’ib oo ah garabka warbaahineed ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa caawa baahisay muuqaal ay ka diyaarisay dagaalkii Mareykanka iyo xulufadiisa lagula galay Soomaaliya sannadkii 1993.

Muuqaalkan ayaa soo bandhigay jabkii Mareykanka ku gaaray dagaalka iyo noocyada dagaaladii uu kala kulmayay ummadda Soomaaliyeed iyo dadkii horumuudka ugu ahaa dagaalka.

Waxaa filimka lagu soo bandhigay masuuliyiin Ameerikaan ah oo sheegaya in ay dagaalkaas ku fidinayeen dimuqraadiyadda xilli uu halkudheggoodu ahaa “soo celinta rajada”

Waxaa filimka lagu soo bandhigay macluumaad cusub oo dagaalka la xariira waxaana kasoo muuqanaya marqaatiyaal dagaalka wax ka hogaaminayay kana qeyb galay oo ay kamid yihiin mas’uuliyiinta XSHM qeybo kamid ah.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.