Dhageyso: Askar American ah oo Lagu Dilay Jiidda Qaza & Wararkii Ugu Dambeeyay ee Duufaanul Aqsaa.

Waxaa maalintii 19-aad oo xiriir ah galay howlgalka Duufaanta Al-Aqsaa ee ay kooxaha Muqaawada Filastiiniyiinta ka wadaa dhulalka Muslimiinta ee reer Filastiin.

Werarkii ugu dambeeyay ee ka imaanaya dhulka barakeysan ee Filastiin ayaa sheegaya, in kooxaha Muqaawamada ay weerar la beegsadeen askar American iyo Yahuud isugu jira oo doonayay iney howlo istidlaac ah ka fuliyaan Jiidda Qaza.

Sidoo kale kooxaha Muwaaqamada ayaa xalay fiidkii hore waxay si lama filaan ah uga duseen xeebta deegaanka Zikim kadibna waxay gaareen bartilmaameed ay hiigsanayeen.

Iska hor’imaad culus ayaa ka dhacay duleedka degmada Casqalaan ee Yahuudu maamulaan, afhayeen u hadlay muqaawamada ayaa sheegay in ciidankooda badda uu si xirfadaysan ku gaaray Zikim islamarkaana uu halkaas kula dagaallamay askarta Yahuudda.
You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.