Dhegeyso Maxay Culumada Diinta Islaamku arkeen Degaanka Itoobiyaanka lagu laayay ee Bakool ka tirsan??
Qaar ka mid ah Culumada Diinta Islaamka ayaa Booqday Degaan hoos taga Degmada Rabdhuurre ee Gobalka Bakool kaasoo todobaadyo ka hor uu ka dhacay Dagaal Ciidamada Xarakada Shababul Mujaahidiin ay ku laayeen Ciidamo Itoobiyaan ah oo aad u fara badan.
Dagaalkaas ayaa Xarakada Shabaabul Mujaahidiin horay u sheegtay in ay ku dishay 284 askeri oo Itoobiyaan ah halka Gaadiid iyo hubna ay ku furatay.
Sheekh Maxamed Garaar oo ka mid ah Culumada Diinta Islaamka ayaa asigoo dul taagan Meydad fara badan oo Ciidanka Itoobiya ah ah waxa uu sheegay in uu soo xasuustay umudahihii Qur’aanka kariimka ah lagu sheegay ee la halaagay.
wuxuu sheegay in Myedadka indhihiisu hayaan ay ka mid yihiin kuwo gubtay iyo kuwo kale siibtay iyo kuwo weli lebiskoodi sidoodi ugu dhex jira.