Dhegeyso Xabaal Wadareedka Dadkii Maraykanku ku laayay Galgaduud.
Dhawaan Waxaa agagaarka Degaanka Ceel la helay Gobalka Galgaduud laga helay Xabaal wadareed ay ka aasan yihiin Afar ka mid ah Meydadka Dad Maato ah oo Maraykanku todobaadyo ka hor ku duqeeyay Degaanka ood weyn oo Ceel la helay u dhaw isla markaanka hoos taga Degmada Ceel Garas ee Gobalka Galgaduud.
sadax Caruur ah iyo ayeeyadoood ayaa lag helay Meel ay ku duugeen Ciidanka Maraykanku Tababartay ee Soomaalida ah ee Danab loo yaqaan waxaana Meydadka goor dambe loo aasay sida Shareecada Islaamku jideysay.
Xarakada Shabaabul Mujaahidiin oo Degaanka Meydadka laga helay uu ka tirsan yahay Dhulka ay ka Taliso ayaa war saxafadeed ka soo saartay uga hadashay bahalnimada Maraykanka iyo Falka foosha xun ee uu ku kacay.
Awowga Caruurta Marayaknku xasuuqay Isla Markaana ayeeyada lala dilayu u ilma dhashay kaasoo la yiraahdo Axmed Maxamuud Shuuke ayaa Saxaafadda la hadlay asigoo taagan goobtii Xabaal wadareedka.
waxa uu sheegay in laba caruur ah oo wiilal ahu ka maqan yihiin kuwaasoo Nolol iyo Geeri midna aanuu ku ogeyn asigoo dadka Soomaaliyeed ka codsaday in ay la baadi goobaan.
sidoo kale wax Garadka Buusha Maxamuud Hiraab oo ay dadkaan Maraykanku gardaradu ku dilay ka dhasheen ayaa iyaguna saxaafadda la hadlay.
Nabadoona hadlay ee ka soo horjeestay Falka Maraykanku ku kacay waxaa ka mid ah Nabadoon Bashiir Axmed Xayle.
Maraykanka ayaa duqeyn Diyaarado uu u adeegsaday ku dilay dadkaan shacab ah kadibna waxaa goobta yimid Ciidanka uu ku shaqeysto ee Soomaalida ah kuwaas ayaana qaatay dadkii la duqeeyay oo qaarkood ku aasay goobta iminka laga helay waxaana dadka degaanku weli si rasmi ah u ogeyn xaaladda laba ka mid ah caruur ka mid ahayd dadka la beegsaday.