Dowladda Federaalka oo la daala dhaceysa kororka Camaliyaadka Istish-haadiyada.(Warbixin)

Sawir Hore Guutada Istish-haadiyiinta

Wargeyska Long War Journal ee kasoo baxa dalka Maraykanka ayaa daabacay warbixin uu kaga hadlayo sida ay Dowladda federaalka u wajaheyso mowjado camaliyaad Istish-haadiyo ah, oo mudooyinkii u dambeeyay aad u kordhay, kuwaasoo ay fulinayaan ragga Naftood huriyaasha ah ee katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

Sida warbixinta Logn War Journal lagu sheegay, bishii aynu soo dhaafney ee September waxay ahayd bishii ugu badneyd ee ay Dowladda federaalka la kulanto weeraro nafhurnimo ah oo uga yimaada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, laga soo billaabo sanadkii 2006-da oo camaliyadii ugu horeysay oo Istish-haadiyo ah ka dhacdo Soomaaliya.

Camaliyaadka Istish-haadiyada ee dhacay bishii September waxay Long War Journal ku sheegtay iney gaarayaan 14 camaliyadood, kuwaasoo isuga jiray kuwa loo adeegsaday gawaari qaraxyo lagu raray iyo jaakado, kala bar camaliyadkaas ayaana ka dhacay gobollada dhaca bartamaha Soomaaliya, sida wargeysku tilmaamayo.

Long War Journal wuxuu tilmaamay inuu diiwaan geliyay in camaliyadaaskaas ay gallaafteen nolosha 70 ruux, inkastoo uu tilmaamay iney suurogal tahay in nambarka uu intaas ka bato, maadaama madaxda Dowladda federaalka iyo saraakiisha ciidamada Itoobiya ay aad uga meermeereen bixinta tirada rasmiga ah ee askarta looga dilay weerarada uga yimaada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

Wargeyska Long War Journal, wuxuu tilmaamayaa in tan iyo sanadkii 2006-da oo ay Xarakada Al-Shabaab bilowday fulinta weeraro nafhurnimo ah, ay diiwaan geliyeen ugu yaraan 411 camaliyadood, kuwasoo ay ka tix raaceen howlgallada nafhurnimo ee ka dhacay Soomaaliya iyo wadamada deriska la ah, ama ay kuwa ay sida tooska ah u sheegteen Al-Shabaab, tirada ayaana ka badnaan karta intan, haddii lagu daro weerarada aaney jirin cid sheegatay masuuliyadooda.

Halkaan Ka Dhageyso Dowladda Federaalka oo la daala dhaceysa kororka Camaliyaadka Istish-haadiyada.

Kusoo biir Telegramka Al-furqaan.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.