Dowladda Turkiga oo Xabsiga Dhigtay 20 Ruux oo Looga Shakisan Yahay Iney ka Dambeeyaan Weerarkii Ankara.

Tan iyo wixii ka dambeeyay weeraradii lagu qaaday magaalada Ankara ee caasimadda dalka Turkiga, waxay xukuumadda dalkaasi billawday duqeymo ka dhan ah Maleeshiyaadka Kurdiyiinta ee PKK, iyadoona lasoo warinayo in xukuumadda Ankara ay xabsiga dhigtay tobannaan ruux, kuwaas oo looga shakisan yahay iney ku lug leeyihiin weerarkaas.

Dowladda Turkiga ayaa shaacisay in la xiray ugu yaraan 20 ruux, kadib howlgallo amni oo lagu soo qabtay xubno lala xiriirinayo iney cilaaqaad la leeyihiin xisbiga shaqaalaha ee Kurdistaan magaciisana loosoo gaabiyo PKK, arrinkaas oo kusoo aadaya saacado un kadib markii duqeymo xagga hawada ah oo uu Turkigu ka filiyay dalka Ciraaq lagu beegsaday fariisimo ay ku sugnaayeen maleeshiyaadka ururkaas.

“Howlagalladaan raafka ah waxaa laga fuliyay illaa 26 goobood oo ku yaalla magaalooyinka Istanbul iyo Kirkilaarli ee dalka Turkiga, waxaana dadka lasoo xiray ku jira afhayeenka ururka Shcuubta Dimuquraadiga” ayuu yiri Cali Yarli oo ah wasiirka arrimaha gudaha ee dowladda Turkiga oo warbaahinta la hadlayay howlgalka kadib.

Dhanka kale wakaaladda wararka Turkiga ee Anadol ayaa baahisay, in ciidanka Sirdoonka ee xukuumadda Ankara ay usuura gashay iney dilaan hogaamiye sare oo katirsan xisbiga shaqaalaha Kurdida, kadib howlgal ay ka fuliyeen magaalada Qaamshali ee dhacda woqooyi bari ee dalka Suuriya.

Waxa ay wakaalladdu sheegtay, in ciidanka Sirdoonka ay ka taqalluseen Muzdalif Taashkiin oo ahaa sarkaal katirsan xisbiga, kaas oo ay ku eedeysay inuu masuul lahaa weerarkii Daaqlajah ee sannadkii 2007-da ka dhacay dalka Turkiga, laguna dilay 12 askari oo katirsan ciidanka dowladda Turkiga.

Saacado ka hor ayay aheyd markii wsaaeadda difaaca ee dowladda Turkiga bayaan ay soo saartay ku faahfaahisay, duqeymo xooggan oo ay ka fulisay woqooyiga dalka Ciraaq, kuwaas oo lagu beegsaday ciidamo katirsan Maleeshiyaadka PKK ee dagaalka adag kula jira xukuumadda Ankara.

Warsaxaafadeedka dowladda Turkiga ayaa lagu sheegay, in la burburiyay illaa 20 ahdaaf oo ay ku sugnaayeen waxa ay ugu yeertay “Argagaxisada xisbiga shaqaalaha”, kadib duqeyn culus oo beegsatay xarumo ay ku sugnaayeen oo ku yaalla woqooyiga dalka Ciraaq.

Waxa ay sidoo kale sheegtay in duqeymahaan ay ka dhaceen illaa 3 magaalo oo ku yaalla woqooyiga Ciraaq, maleeshiyaadka la beegsadayna aysan aheyn oo kaliya kuwa Kurdiyiinta ee PKK, balse ay jiraan kuwa kale oo “Argagaxiso ah” sida lagu xusay bayaanka kasoo baxay wasaaradda difaaca ee dowladda Turkiga, laguna faahfaahinayay duqeymihii ka dhacay woqooyiga dalka Ciraaq.

Duqeymahaan iyo qafaalka ay wadaan ciidanka ammaanka ee dowladda Turkiga ayaa kusoo aadaya, iyadoo maalin ka hor weerar lagu qaaday xarunta taabacsan wasaaradda arrimaha gudaha ee dowladda Turkiga, taas oo ku taalla magaalada Ankara ee caasimadda dalkaas, weerarkaas oo sababay dhaawaca 2 sarkaal oo katirsan xukuumadda Turkiga.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.