Foreign Affairs: Istiraatiijiyadda Maraykanka ee Soomaaliya Way Fashilantay.

 

Warbixin lagu qoray majalladda Foreign Affaris ee laga leeyahay dalka Maraykanka ayaa looga hadlay dagaalka uu Maraykanku kaga jiro Soomaaliya, iyo siyaasadda faashilka ah ee Washignton ku dooneyso iney kaga hor istaagto bulshada Soomaaliyeed iney dhidibada u taagaan maamul Islaami ah.

Sida warbixinta lagu sheegay, inkastoo Joe Biden madaxweynaha talada haya, uu hoos u dhigay ciidamada Ameerikaanka ee ku lugta leh dagaallada ka socda dunida muslimka ah , tan iyo wixii ka dambeeyay weeraradii 11 September, ay hadana Soomaaliya weli marti gelineyso duullaan milliteri oo ay hor boodeyso dowladda Maraykanka, taasoo sida warbixinta lagu sheegay 16-kii sano ee lasoo dhaafay fulineysay weeraro ka dhan ah Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

Inkastoo Soomaaliya ay kamid tahay dalalka uu Maraykanku ka hurinayo waxa loogu yeero ololaha la dagaalanka argagaxisada, hadana madaxweynayaashii Maraykanka soo maray sida Bush, Obama iyo Trump ayaa xooga saarayay saaxaad kale, natiijaduna waxay noqotay in Maraykanku heli waayo xal waara iyo istiraatiijiyad dheer oo soo afjareysa siraaca ka socda dalkan, sida ay warbixintu tilmaameyso.

Foreign Affaris, waxay tilmaameysaa in madaxweynayaashii Maraykanka si qar iska xoornimo oo uu xanaaq ku jiro uga jawaabeen tahdiidka Xarakada Al-Shabaab, taasoo u fududeysay Jamaacadu iney xiriiro la sameysato Al-Qaacida, maadaama ay wajaheyso duulaanno ay kusoo qaadeen Itoobiya iyo dowladaha Afrika, iyadoo dhanka kale la kulmeysa duqeymaha xaga hawada ah.

Maadaama Maraykanku ku fashilmey isku daygii ahaa inuu cagta mariyo Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, soona afjaro dagaalka ay wado, waxay warbixintu tilmaameysaa in Washington ay adeegsaneyso istiraatiijiyadda xakameynta, oo ah in halista amni ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab aaney ka gudbin bariga Afrika.

“ Bisha soo socota, dowladaha saameynta amni ku leh Soomaaliya ee kala ah Qadar, Turkiga, Imaaraatka Carabta, Ingiriiska iyo Maraykanka ayaa kulan ku yeelan doona Ankara. Washington waxaa looga fadhiyaa in kulankaas ay kusoo gudbiso qorshe nabadeed xooga saaraya xasiloonida iyo wada hadallada, keliyana maahan iney ka hadasho qaabka looga hortagi karo argagaxisada” ayaa lagu yiri warbixinta lagu daabacay majallada Foreign Affaris ee kasoo baxda dalka Maraykanka.

Warbixinta waxay ku dooday in wasiilada caskariga iyo maquuninta aaney marnaba suurogal ahayn in lagu soo afjaro Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, haddii uu Maraykanku doonayo in si nabad ah uu uga jilba laabto Soomaaliyana ay la gudboontahay inuu xooga saaro qorshe nabadeed mudnaanta siinaya wadahallada.

Faragelinta Maraykanka ee Soomaaliya, oo ay warbaahinta qaar iyo siyaasiyiintuba ka dhigaan mid soo billaabatay markii ay soo baxday Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, ayay warbixinta Forreign Affaris waxay tilmaameysaa iney tahay mid aan dhaweyn, oo soo billaabatay markii talada Soomaaliya lagala wareegay hogaamiyihii shuuciga ahaa, keligii taliye Muxamad Siyaad Barre, kaasoo 20 sano maamulayay Soomaaliya.

Kadib burburkii nidaamkii Siyaad Barre, waxaa Soomaaliya ay lugaha la gashey dagaallo sokeeye, Maraykanka ayaa qudhiisa dalkan faragelin milliteri kusoo sameeyay, dhacadadii diyaaradaha Black Hock lagu soo ridayay, ayayna warbixintu ku tilmaamtay mid argagax gelisay ciidamada Ameerikaanka, kuwaasoo maalinkaa waayay askartii ugu badneyd oo maalin keliya lagu dilao hal dagaal, tan iyo dagaalkii Vitnam ee uu Maraykanku kusoo jabay, xusuusta diyaaradahaas ayaana illaa iyo hadda saameyn ku leh siyaadada Maraykanka.

2004-tii, waxaa Soomaaliya laga hirgeliyay dowlad ay Itoobiya taageereyso, laakiin uma suurogelin dowladahan iney lugaheeda isku taagto, 2006-diina waxaa Muqdisho howlgallo ka billaabay midowgii Maxkaakimtii Islaamiga, oo ciidankooda intiisa ugu badan uu xiriir la lahaa Al-Qaacida, xukuumaddii Cabdullaahi Yuusuf ayaana ka carartay Muqdisho.

Maxkamadaha Islaamiga ayaa Muqdisho iyo meelaha ay la wareegeen ka hirgeliyay nidaam Islaami ah, kaasoo xasillooni kusoo dabaalay dalka tan iyo muda laga joogo 15 sano, laakiin xusuusta diyaaradihii Maraykanka looga soo riday Muqdisho ayaa saameyn xoogan ku lahayd siyaasadda Maraykanka, Itoobiya ayaana u aragtay Maxkamadaha Islaamiga iney yihiin nidaam aan la aqgali karin oo kasoo baxay meel iyaga u dhow.

Dowladda Itoobiya oo taageero ka heleysa Maraykanka ayaa kusoo duueshey Soomaaliya, muda kadibna waxay talada ka tuurtey Maxkamadaha Islaamiga ah, sida ay warbixintu tilmaameysanan, Itoobiya ayaa Soomaaliya kusoo gashey iyadoo heleysa taageero sirdoon oo mid Lojistic oo kaga imaaneysa xukuumadda Washington.

2007-dii, markale Maraykanka iyo Golaha ammaanka waxay taageero siiyeen ciidamo ka socday midowga Afrika, ciidamada Itoobiya ayaana ka baxay dalka, awooddii Jamaacaadka Islaamiga ayaana sii xoogeysatay, garabkii madaniga ahaa ee Maxkamadaha inkastoo uu dagaalka ka haray, hadana waxaa dagaalka sii waday garabkii milliteri oo ka dhignaa Xarakada Al-Shabaab, sida warbixinta Foreign Affaris tilmaameyso.

“ Maamulkii Bush wuu awooday inuu taageero wadahadallada, halka uu xooga saaray khiyaarka caskariga, wuxuuna inbadan ku andacoonayay inuu jiro xiriir ka dhexeeya Al-Shabaab iyo Al-Qaacida, si uu sharciyad ugu raadiyo faragelintiisa Soomaaliya, sanadkii 2008-na Maraykanka ayaa Xarakada Al-Shabaab ku daray liiska argagaxisada” ayay leedahay warbixinta lagu daabacay majallada Forrign Affaris.

Xilligii uu talada Maraykanka hayay Obama, waxaa la kordhiyay joogitaanka howlgalka midowga Afrika ee Soomaaliya, rajada la qabeyna waxay ahayd in la dhiso ciidan Soomaali ah oo iska caabin kara Xarakada Al-Shabaab, fatradii labaad ee Obama, ayaa waxaa sii kordhay weerarada duqeymaha ah ee ka dhacaya Soomaaliya, iyadoo maamulka Obama u aqoonsaday Al-Shabaab iney tahay bahwadaagta Al-Qaacida, taasoo Maraykanka fursad u siineysa inuu beegsado cid weliba oo xubin ka ah Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, sida ay warbixintu sheegeyso.

Trump ayaa fududeeyay quyuudii saarnaa duqeymaha diyaaradaha Maraykanka, taasoo keentay in siyaado baaxad leh ku timaado tirade duqeymaha, intii u dhexeysay 2017-ka iyo 2020-ka ayaana la diiwan geliyay 219 duqeyn oo Maraykanku geystay, laakiin warbixintu waxay sheegeysaa in Al-Shabaab ay la qabsatay duqeymaha, tobanaan weerarna la beegsatay ahdaaf waaweyn oo ay ku sugnaayeen cadowgeeda.

Taas bedelkeeda, midowga Afrika ayaa dareemay nuqsaan xaga maalgelinta ah, markii midowga Yurub uu billaabay ka labo labeynta maalgelinta sanadla ah ee uu siinayy howlgalka, isagoo tilmaamaya inaaney waxba kusoo kordhin ciidamada Afrikaanta dagaalka ay kula jiraan Xarakada Al-Shabaab, sida ay warbixintu tilmaameyso.

December 2020-ka, Trump ayaa amray in Soomaaliya laga soo saaro ciidamada Marayknaka, laakiin taliyihii AFRICOM Stephen Towsend ayaa ka dhega adeegay arinkaas, oo billaabay in kasoo bixitaanka bedelkeeda uu ciidamo horleh ku daad gureeyo Soomaaliya, Joe Biden markii uu yimidna waxaa la laalayay go’aankii Trump, howlgalka Afrika ayayna warbixintu sheegeysaa in nasiib darro ay hogaaminayaan khubaro la dagaalanka argagaxisada, laakiin aan aqoon u lahayn qaaradda Afrika.

May 2020-ka, Biden ayaa boqollaal askari oo Maraykan ah wuxuu usoo diray Soomaaliya, waxna kama bedelin weerarada ay fulineyso Xarakada Al-Shabaab, 2023-dana Dowladda Federaalka oo heleysa taageerada Maraykanka ayaana ku dhawaaqday howlgal lagu qabsanayo deegaannada ay maamusho Xarakada Al-Shabaab, sida warbixintu tilmaameyso.

Warbixintu waxay leedahay “ todobaadyadii tagay, waxay Xarakada Al-Shabaab dib ula wareegtay magaalooyin iyo deegaanno ay gacanta ku heysay Dowladda federaalka, waxaa haboon in Dowladda aaney sii wadin iska daba wareegan aan dhamaadka lahayn oo ay Shacabka Soomaalida u soo bandhigto wax soo jiita, Maraykankana waxaa xagiisa la gudboon inuu horumar sameeyo, oo uu taageero wadahadalla dhexmara qeybaha kala duwan ee Soomaalida” ayay leedahay warbixinta lagu daabacay majallada Foreign Affaris.

Iyadoo sii hadleysa waxay majalladu tiri “ tallaabada ugu culus ee ay tahay iney aqoonsato Washington waa iney ogaato in Dowladda federaalka ay ku qasbantahay iney wadahadal la gasho Xarakada Al-Shabaab, si loo soo afjaro dagaalka socda, waana wadahadallo ay qasab tahay iney garwadeyn ka ahaadaan dad Soomaali ah, Maraykankuna haddii aanu liiska argagaxisda ka saari karin Al-Shabaab, waxaa ugu yaraan la gudboon inaanu ugaarsanin dadka wadahadalka ku matalaya Al-Shabaab”.

Gebo-gebadii, waxay warbixintu soo jeedineysaa in Maraykanku la gudboontahay in siyaasad ballaaran oo qaadi karta dhamaan dhinacyada Soomaalida la timaado, haddii aaney taasi dhicinna Soomalaiya noqon doonto tusaale kale oo loo soo qaato fashlka waxa loogu yeero la dagaalanka Argagaxisada oo uu Maraykanku ku dhawaaqay wixii ka dambeeyay weeraradii 11 September.

Halkaan Ka Dhageyso Warbixin Foreign Affairs- Siyaasadda Maraykanka ee Soomaaliya

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.