Gaalo Hinduus ah oo si Wuxuushnimo ah Dalka Hindiya Ugu Dilay Wiil Dhalinyaro Muslim ah.(Warbixin)
Magaalada Jaaybuur ee caasimadda gobalka Rajastan ee woqooyiga Hindiya waxaa laga soo sheegayaa xiisado ka dhashay, dilka waiil dhalinyaro Muslim ah oo ay si wuxuushnimo ah u dileen gaalo xagjirayaal Hinduus ah.
Ehelka wiilka dhalinyaradaha ah oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay, in wiilkooda lagu beegsaday diin ahaan, ayna dilkiisa geysteen xagjirayaal Hinduus ah oo ay ku xidideysatay islaam naceybka.
Warbaahinta gudaha ee dalka Hindiya ayaa baahisay, in Maxamed Iqbaal iyo walaalkiisa tacaddiyo xanuun badan loo geystay iyagoo ka yimid gurigooda, kadib markii mooto ay wateen ay ku dhacday mid kale oo uu watey gaal xagjir ah.
Arrintaas ayaa sababtay dood adag oo dhex martay labada dhinac, taas oo ugu dambeyn keentay in ruuxa Hinduuska ah uu uyeerto koox asxaabtiisa ah, kuwaas oo Maxamed Iqbaal madaxa kala dhacay biro ay wateen.
Muuqaallo lagu baahiyay baraha ay bulshadu ku xiriirto ayaa muujinayay xilliga dilka loo geysanayay wiilkaan dhalinyarada ah, iyadoo sidoo kale muuqaalka lagu arki karo daqiiqadaha ugu dambeeya ee ay naftu kasii baxeysay Maxamed Iqbaal.
Dhacdadaan kadib, muslimiin badan oo ku dhaqan magaalada ayaa waxay xireen goobahooda ganacsiga, iyagoona dhigay dibad baxyo ay kaga soo horjeedaan dilka wiilka dhalinyarada ah, kumannaan ruux ayaa isugu soo baxay wadooyinka, kuwaas oo dalbanayay qisaas, iyadoo dowladda Hindiya ay ciidamo badan soo dhoobtay magaalada.
Wargeyska Hindustan Times ee kasoo baxa dalka Hindiya ayaa daabacay, in boliska dalkaas ay xireen 6 ruux, oo qeyb ka ahaan kooxda gaalada Hinduuska ah ee dilka geystay, kuwaas oo ka koobnaa 15 ruux.
“Dilka wiilka dhalinyarada ah oo loo dilay si fool xun waa dhacdo aad looga xumaado, taas oo ka dhalatay isfaham darri soo kala dhex gashay labada dhinac, dowladda Hindiya waa iney magdhaw ka bixisaa dilkaan” ayuu yiri Micraaj Xuseyn oo ah xubin katirsan hey’ad ka shaqeysa joojinta naceybka, kaas oo booqday qoyska wiilka dhaliyarada ah.
Caro xooggan ayaa ka dhalatay dhalatay dilkaan wuxuushnimada ah ee ay gaalada Hinduuska ah u getsteen wiilka dhalinyarada ah, waxaana qaarkood ay baraha bulshada kusoo qorayeen erayo ay muujinayaan sida ay uga xun yihiin dilkaan foosha xun.
“Waxaa wax laga xumaado ah un aan aragno Muslimiinta oo dambi la’aan la iska dilayo”, ayuu yiri mid kamid ah dadka ka falcelinayay arrintaan, halka mid kalana uu shucuurkiisa ku cabiray, inuusan ku dambaabeyn haddii uu dhaho Hinduuska waxay dhab ahaantii noqdeen Argagixiso.
Hinduuska dab caabudka ah ayaa sii wada dhibaatada ay ku hayaan muslimiinta Hinidya, waxaana ololahaas hor boodaya wadaadaha Hinduuska, midkood ayaana muuqaal uu soo dhigay internteka wuxuu ku goodiyay iney dhisi doonaan dowlad Hindi la yiraahdo oo aan dhulkeedu ku oolin wax masaajid ah, sidoo kalena ku dhex nooleyn dad muslimiin ah.
Si guud ahaaneed gaalada ayaa kawada siman cadaawadda ay u hayaan Muslimiinta haba ku lala bataane, waxa kaliya ee looga bixi karo dhibaatadaas ayaana ah halgan iyo jihaad ka dhan ah dhammaan nuucyada kala duwan ee gaalada, qowmna jihaadka kama tago illaa waa ay dulloobaan.