Inkabadan 30 Qof oo Gobolka Oromada Ugu dhintay Xanuunka Duumada.

 

Masuuliyiinta caafimaadka ee dalka Itoobiya ayaa sheegay in cudurka Malaariyada uu ku faafayo gobolka Oromada, halkaasna laga soo sheegayo dad farabadan oo u dhintay xanuunada.

Deegaannada Biiji iyo Kondala ee gobolka Oromada ayaa ah kuwa ugu badan ee uu ku faafay cudurka duumada, dadka badanna ay ku dhinteen, sida ay xaqiijiyeen masuuliyiin katirsan waaxda caafimaadka ee gobolka oo la hadlay wakaaladda wararka ee Anaadool.

Lata Banti oo ah madaxa gurmadka deg-dega ee mandiqadda Biiji ayaa xaqiijiyay in 36 ruux ay deegaankan ugu dhinteen cudurka duumada, kadib markii ay waayeen wax gurmad caafimaad ah.

Xilli cudurada noocyadooda kala duwan ku faafayaan deegaannada Biiji iyo Kondala ee gobolka Oromada, ayay masuuliyiinta caafimaadka sheegayaan iney gobolka ka jirto dawo yari iyo Oxygeen la’aan, taasina ay keeneyso in dhimashadu sii badato.

Madaxa caafimaadka ee gobolka Oromada ninka lagu magacaabo Jawaar Qaasim ayaa tilmaamay in koror xoog leh ku yimid tirada dadka uu soo ridanayo xanuunka Malarida, kaasoo dhan 168% marka loo barbar dhigo sanadkii tagay ee 2022-ka.

Deegaannada ay k badanyihin cudurka Duumada ayaa lasoo warinayaa iney yihin kuwii marti gelinayay dagaalladii cuslaa ee dalka ka dhacay, ayna inta badan xarumaha caafimaadka burbursanyihiin, iyadoo dhinac kale aaney jirin wax gurmad ah oo kasoo gaaray dowladda dhexde.

Warbaahinta gobolka ayaa tilmaamaya in xarumaha caafimaadka intooda badan la booday intii ay dagaalladu socdeen, ugu yaraan 100 goobood oo xarumo caafimaad ah oo horey u shaqeyn jiray ayaa hadda albaabadooda xiranyihiin.

Gobolka Oroma ayaa kamid ah gobollada ay ka dhacayaan dagaallada culus ee dhexmaraya mucaaradka Itoobiya iyo xukuumadda Abey Axmed, gobolka ayaana waxaa ka jira labo jabhadood oo Oromo kasoo jeeda, kuwaasoo tilmaamaya in dadkooda aaney helin xuquuqdii ay lahaayeen, taasi darteedna ay dagaallamayaan.

Siraaca gobolka Oromada oo kala mid ah xaga dagaallada gobollada kale ee Itoobiya ayaa waxaa ku dhintay boqollaal qof oo shacab ah, halka ay ku barakaceen kumanaan qof oo Oromo ah, arinta xusida mudan ayaana ah in qowmiyadan oo ah tan ugu ballaaran dalka Itoobiya uu kasoo jeedo Abey Axmed, sidaasoo ay tahana aanu waxba u qaban inuu uga daro oo uu dagaallo sokeeye ka dhex dillaaciyo mooye.

Qowmiyadda Oromada ayaa asal ahaan qowmiyad muslim ah, walow dowladihii Itoobiya soo maray ay xooga saareen sidii looga dhex abuuri lahaa qowmiyadan aqalliyaad nasaaro ah.

Tan iyo bishi Ogosto waxaa dalka Itoobiya laga diiwaan geliyay dhimashada 200 oo qof, kuwaasoo uu soo ritay cudurka daacuunka, cudurkan ayaana haddii aan qofka helin gurmad degdeg ah wuxuu dhaliyaa geeri lama filaan ah.

Xafiiska arimaha Banii Aadamnimada ee Qaramada Midoobay ayaa sheegay in xarumaha lagu daweeyo dadka xanuusan ee dalka Itoobiya la keeney ugu yaraan 400 oo ruux oo uu soo ritay daacuunka, kuwaasoo hadda la siinayo gurmad caafimaad.

Qaramada Midoobay ayaa intaa ku dartay in labadii todobaad ee lasoo dhaafay uu koror lama filaan ah ku yimid tirade dadka daacuunka uu soo ritay, waxaana ay intaa ku dartay in si guud wadanka Itoobiya uu cudurka daacuunka ku dhacay inkabadan 1.7 malyan oo qof.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.