Isku Soo Bax Lagu Taageerayo Muslimiinta Falastiin oo Ka Dhacay Jilib.
Magaalada Jilib ee wilaayada Jubbooyinka waxaa ka dhacay isku soo bax ballaaran oo si heer sare ah loo soo agaasimay laguna taageerayay Muslimiinta Falastiin.
Isku soo baxa oo ay dad aad u badan kasoo qeyb galeen ayaa looga soo horjeeday dulmiga Yahuuda iyo Reergalbeedku ay ku hayaan Muslimiinta Falastiin.
Goobta waxaa laga jeediyay kalimado iyo suugaan saameyn leh iyadoo dadkii soo xaadiray ay ahaayeen qaar aad u qiireysan.