Khasaaraha Dhimasho Ee Yahuuda oo 600 Kor Usii Dhaafay.

Hawlgalka Duufaanta Al-aqsaa ee ay wadaan muqaawamada Falastiin ayaa socda maalinkiisii labaad kaasoo lagu beegsanayo Yahuuda xoogga ku heysata dhulka barakaysan.

Cizudiin Al-qasaam ayaa hawlgallo isdaba joog ah ka wada degaano dhowr ah iyagoo la wareegay magaalooyin ay Yahuudu heysteen.

Wariyaasha ku sugan Falastiin ayaa soo sheegaya in muqaawamadu gacanta ku dhigeen maxaabiis aad u badan oo Yahuud ah, waxaana kordhay khasaaraha dhimasho iyo midka dhaawaca ah.

Geerida Yahuudu waxay kor u dhaafaysaa 600 halka dhaawca uu gaarayo 2200.

Muuqaallo la baahiyay ayaa muujinaya muqaawamada oo weeraraya saldhig ciidan oo Yahuudu joogaan islamarkaana tooganaya askarta Yahuuda.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.