Maamulka Aala-Sucuud oo Xukunno Daldalaad ah ku Fuliyay 2 Duuliye, Kadib Markii ay Diideen Iney Duqeeyaan Shacab Yamaniyiin ah.
Tallaabo cusub oo aan horay udhicin ayuu qaaday Maamulka Aala-sucuud ee ka arrimiyo dhulka Xarameynka, taas oo ah inuu xukun daldalaad ah ku fuliyay 2 kamid ah duuliyayaasha maamulkaas.
Wargeyska Fiar Observer ee kasoo baxa dalka Mareykanka ayaa warbixin uu qoray waxa uu ku sheegay, in Maamulka Aala-Sucuud uu ka cabsi qabo suuragalnimada inqilaab mellatari oo lagu sameeyo nidaamkiisa, sababo ku aaddan niyad jab xooggan oo ka dhex jira ciidanka, kuwaas oo qaata mushaar yar.
Waxa uu sidoo kale wargeyska oo soo xiganaya siyaasiyiin katirsan mucaaradka Sucuudiga sheegay, in maamulka Aala-Sucuud uu xukun daldalaad ah ku fuliyay Maajid Al-Balawi iyo Xasan oo ahaa 2 duuliye oo katirsan ciidanka Maamulka, kuwaas oo lagu eedeeyay iney diideen in duqeymo ay ka fuliyaan dalka Yeman oo lagu beegsanayo dadka rayidka ah.
Sida ku xusan warbixinta waregeyska, waxa uu sheegayaa in eedeymaha loo heysto labadaan duuliye ay kamid ahaan karaan in ay dhaleeceyn u jeediyeen dhaxal sugaha maamulka Aala-Sucuud ninka lagu magacaabo Maxamed Bin Salmaan.
Hadafka laga leeyahay fulinta xukunkaan daldalaadda ah ayuu wargeysku sheegayaa iney tahay, farriin adag oo loo dirayo ciidanka gadoodsan ee doonaya iney qaadaan tallaabooyin ka dhan ah maamulka, iyo in Al-Balawi iyo Xuseyn aysan horseedin kacdoon hubeysan oo ka dhan ah maamulka Aala-Sucuud, kaas oo horraan u wajahay madax adeyg xagga ciidanka ah.
Sidoo kale waxaa warbixinta lagu xusay, in marar badan ay dhaceen isku dayo lagu doonayo in xukunka looga tuuro maamulka Aala-Sucuud, waxaana isku dayadaas ugu caansanaa mid dhacay sannadkii 1969-kii, kaas oo ay soo qorsheeyeen saraakiil katirsan ciidanka cirka, laguna doonayay in lagu rido boqor Feysal oo xilligaasi maamulayay nidaamkaan.
Xilligaas waxa ay saraakiisha qorsheeyeen in qaraxyo lagu weeraro xarunta madaxtooyada ee magaalada Riyaad, si loo dilo boqor Feysal iyo saraakiil sarsare oo katirsan maamulka Aala-Sucuud, lana dhiso Jamhuuriyad ka hana qaada Jaziiradda Carabta.
Isku daygaas fashilmay kadib waxaa la dilay ku dhawaad 2000 oo ruux oo ay ku jiraan 28 gaashaanle dhexe ah, 30 taliye iyo 200 oo sarkaal oo katirsanaa ciidanka Aala-Sucuud.
Ciidanka Maamulka Aala-Sucuud ayaa waxay baraha internetka ku baahiyeen muuqaallo ay madaxda maamulka uga dalbanayaan kaalmo maaliyadeed, iyagoo ku doodaya in dalka dibaddiisa ay ka dagaallamayaan, taa badalkeedana ay ehelkooda ku sugan gudaha Sucuudiga wajahayaan barakicin iyo in aan deymaha laga gudin.
Wixii xilligaasi ka dambeeyay dacwad oogaha guud ee maamulka Aala-Sucuud ayaa soo saaray go’aan uu ku sheegayo in la ciqaabi doono askari waliba oo si calan ah u sheegta duruufaha heysta.
Maamulka Aala-Sucuud waxa uu sheegay in labada duuliye ee lagu fuliyay xukunka daldalaadda ah ay ku kaceen khiyaano dagaal, taas oo ay ula jeedaan diiditaankooda ku aaddan iney fuliyaan duqeymo ka dhaca dalka Yeman oo lagu beegsado dadka rayidka ah.
Isbaheysiga Carbeed ee uu horboodayo Maamulka Ala-Sucuud ayaa dalka Yeman ka geysta duqeymo wuxuushnimo ah, kuwaas oo qaarkood lagu beegsado goobaha danta guud ee bulshada loogu adeego iyo guryaha dadka rayidka ah, waxayna duqeymahaasi ku dileen kumannaan ruux oo abriyo ah.