Maxay Tahay Digniinta La Siiyay Xasan Sheekh Ee Sababtay Inuu Dhuusomareeb Kasoo Tago?
Madaxweynaha DF ayaa Sabtidii shalay dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho oo uu muddo laba bilood ah kaga maqnaa magaala madaxda gobolka Galgaduud ee Dhuusomareeb.
Xasan oo markii uu Dhuusomareeb aadayay lixdan cisho ka hor aad loo hadal hayay, warbaahintiisuna ay xayaysiis badan u sameeneysay ayaan laga hadal soo laabashadiisa, kadib markii uu kusoo guul darreystay hadafkii uu markii hore u baxay oo ahaa inuu Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ka saaro gobolada Mudug iyo Galgaduud.
Xog hoose oo ay warbaahinta Al-furqaan ka heleyso ilo sirdoon oo codsaday inaan magacooda la shaacin ayaa sheegeysa in Xasan Sheekh uu digniino degdeg ah ka helay sirdoonka Mareykanka iyo kan Ingiriiska.
Digniinaha oo qoraal ahaan loo gaarsiiyay Khamiistii lasoo dhaafay ayaa loogu sheegay inuu 48 saacadood uga guuro Dhuusomareeb sababo la xariira khataro amni oo kaga soo wajahan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.
Ma uusan dhayalsan digniinta, wuxuuna u dhaqan geliyay sideedii, isagoo xalay ku hoyday madaxtooyada magaalada Muqdisho.
Wadooyinka caasimadda waxaa shalay ka jiray mashquul badan, qaarkood waa la xirayay, halka gaadiidka ciidamada DF iyagoo xawli ku socda ay bulshada argagax gelinayeen, waxaana dhacdayba in gaari dagaal uu agagaarka KM4 ku jiiro gabar ardayad ahayd.
Soo laabashada Xasan Sheekh ayaa imaaneysa iyadoo uu muddo bil gudaheed ah la kulmay laba weerar oo isaga si toos ah loogu beegsaday, mid kamid ah waxa uu ka dhacay degmada Maxaas, halka kan kale lagu beegsaday xaruntii uu ka dagganaa Dhuusomareeb.
Sidoo kale waxay siyaasiyiintu sheegayaan in ay ceeldheer ku dhacday rajadii uu ka qabay in ciidankiisu ku guuleystaan dagaalada Galgaduud iyo Mudug, wuxuuna ku quustay dagaalkii weynaa ee degaanka Gaaddaay kaasoo lagu dilay ciidan tiradoodu u dhaxayso 97 illaa 108 askari.
Tan iyo markii uu dhacay weerarkii weynaa ee Cowsweyne, madaxweynaha DF ayaa maray xaalado caafimaad, waxaa muddo sadax goor ah lagu daweeyay magaalada Dhuusomareeb, halka uu dalka Jabuuti kula soo kulmay dhaqaatiir Faransiis ah.
Shirkii ugu dambeeyay oo laba todobaad ka hor ka dhacay magaalada Dhuusomareeb waxaa Xasan Sheekh laga dheehanayay niyad jab iyo quus, kolkaas Cali Jeyte oo niyadda u dhisaya ayaa yiri “madaxweyne magaalada Dhuusomareeb kama laaban doontid adigoo madaxa foorarinaya” waxaana dhacday in Xasan uu kasoo guuro magaalada isagoo xataa lagu eedeeyay inuu saxaafadda ka dhuuntay si aan loo arag guuritaankiisa.
Dadka aadka ugu dhuundaloola siyaasadda DF ayaa sheegaya in Xasan uu ku fakarayo degaano aan gobolada dhexe ahayn oo uu ayaan joogi karo si uu u muujiyo inuu dagaalka wali ku jiro si uu isaga mashquuliyo siyaasiyiinta mucaaradka ku ah ee xilka kula loolamaya.
Ma yara culeysyada uu wajahayo madaxweynaha todobaatan jirka ah ee ay daadihinayaan saraakiisha Mareykanka ee Africom, waxa uu waayay ballanqaadyo hore oo ay ciidamada Afrikaan ah u fidiyeen, waxaa u suura gali weysay inuu qabaa’ilka qaarkood dagaalka geliyo, sidoo kale waxaa baxsad ah oo la waardiyeynayaan ciidamadiisa furimaha ku sugan.
Taliska ciidanka Atmis waxay dhankooda ku goodinayaan iney billaabayaan bixitaanka wajiga labaad oo loo hakiyay codsi ay DF u dirtay qaramada midoobay oo ahaa in muddo sadax bilood ah la hakiyo, balse waxaa shuruud looga dhigay inuu bixiyo mushaaraadka ciidanka shisheeye oo uusan xilligan awoodi karin maadaama ay ciidankiisu helin mushaaraad joogto ah.