Mid Kamid ah Maleeshiyaadka Maciislweyda Oo Wiil Dhlinyaro ah ku Dilay Magaalada Baladweyne.

Tafaasiil dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa dil habeenkii xalay magaalada Baladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan loogu geystay mid kamid ah dhalinyarada ku dhaqan magaaladaas.

Dilkaan ayaa waxa uu si gaar ah kaga dhacay xaafadda Buundo weyn oo kamid ah xaafadaha ku yaalla magaalada Baladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan.

Wiilka dhalinyarada ah ee la dilay ayaa lagu magacaabaa Baashi Saalax Maxamed, waxaana dilkiisa ka dambeeyay mid kamid ah Maleeshiyaadka Macawiisleyda ee ku sugan magaalada.

Wararku waxay intaa ku darayaan in dilka wiilkaan dhalinyarada ah uu yimid, kadib markii askariga Macawiisleyda ah uu rasaas oodda kaga qaaday Mooto-Bajaaj uu saarnaa Baashi Saalax, taas oo ugu dambeyn keentay inuu geeriyoodo.

Ninka dilka geystay ee katirsan Maleeshiyaadka Macawiisleyda ayaa lagu soo waramayaa inuu doonayay in uu dhac u geysto mootada, waxaana rasaasta uu furay ay sababtay inuu goobta ku geeriyoodo wiilka dhalinyarada ah.

Ciidamada DF iyo Maleeshiyaadka Macawiisleyda ayaa ka siman dhaca iyo boobka hantida dadka rayidka ah, iyadoo marar badan ay sidaan oo kale ay dhacday iney nafta dhaafiyaan dadka ay dhaca u geysanayaan.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.