Nin Iyo Xaaskiisa oo Horumar Ka Sameeyay Jillaabashada Wabiga Jubba & Iibinta Kalluunka.
Shaacir Maxamad Cawaade waxa uu kamid yahay koox ka jillaabata wabiga Jubba ee mara degmada Saakow Wilaayada Islaamiga ah ee Jubbooyinka. Subax walba waxa uu maqaalin dhigtaa wabiga ama dhasheegga halkaasoo uu xilliyada duhurka kala soo laabto tiro kalluun ah.
Shaqadan oo uu wado muddo 14 sano ah waxa uu ka maareeyaa nolosha qoyskiisa oo ka kooban 10 caruur ah, hooyadood, ayeydood iyo walaalihiis. Hawshan waxa uu ku dhiirraday wixii ka dambeeyay markii gobolada Jubbooyinka uu ka hana qaaday maamulka Islaamiga ah ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.
“Muddo laga joogo 14 sano markaan aragnay ganacsiga kalluunka inuu fiican yahay oo Al-Shabaab dadka aad ugu dhiirigeliyeen ayaan qalbigeyga geliyay inaan fursaddan ka faa’iideysto. Al-Shabaab ka hor kalluunka suuqa laguma iibin jirin dadka jillaabtana guryahooda ayay geysan jireen, laakin markii calanka Islaamka wadanka laga suray suuq fiican ayuu yeeshay, qoys ahaan waxaana ka helnaa faa’iido aan lasoo koobi karin, waxaan ka bixinaa nolosha, waxbarashada, korontada iyo biyaha, beerahana waan ku falanaa”.
Shaacir waxa uu ka mahad sheegtay xaaskiisa Maryan Ibraahim Xasan oo uu xusay iney garab weyn ku siiso hawshan, la’aanteedna aysan Allaah kadib wax badan u suura galeen. Haddaba labadoodu shaqada waa ay kala leeyihiin, Isagu wuxuu iibiyaa kalluunka qeyriin, iyadana mid bisil oo ay si macaan u dubto, kaasoo galabkii casiriye ahaan looga soo doonto guriga, fiidkiina suuqa.
Gacmo wadajir bey wax ku gooyaane, Maryan waxay xustay inay ku faraxsan tahay is garabsiga iyad iyo seygeeda iyo shaqada ay heystaan oo ay ku tilmaantay mid qeyb weyn ku leh quruxda qoyskooda. “Aad ayaan ugu farxaa marka uu seygeyga soo helo kalluun badan, waxaana wax ka siiyaa dariska, marka uu soo waayahana Alle ayaan u laabanaa. Waayahan waxaan helnaa malaay saa’id ah, maanta oo kale sidaad u jeedid waxaan heysanaa 140 xabo (boqol iyo afartan xabo) oo malaay ah, qaar waan qallajinaa, qaarna guriga hortiisa ayaan ku dubaa oo nalooga iibsadaa, habeenkiina waxaan geeyaa suuqa”.
Shaacir ayaa sheegay in ay kalluunka ceyriin ku iibiyaan qiimo jaban oo bulshada ku dhiirigelinaya iney ka faa’iideystaan. kalluunka waaweyn qiimo ahaan waxay ku bixiyaan lacag u dhaxaysa $2.5-$ (laba doolar iyo bar illaa 3 doolar) halka kan ugu yar ay iibiyaan $.5 (nus doolar). Kalluunka wabiga laga helo waxaa u badan shan nooc oo kala ah, Mallaay madoow, Shaarub, Ballan, Libi iyo Shokolkala, waxaase loogu isticmaal badan yahay Malaay madowga, Shaarubka iyo Ballanta.
Inkastoo ay faa’iido badan leedahay jillaabashada, haddana waxaa jira halisyo ku xeeran oo ay ugu horreeyaan Yaxaaska iyo Jebisada. Xirfadluhu wuxuu halisyahaas ku qiimeeyay kuwa aan dhib badan lahayn haddii la barto xeeladaha lagu wajaho.
“Aniga iyo nin saaxiibkey ah oo aan isla kalluumeysanaynay waxaan beri dhaweyd dhasheegga kula kulanna 4 jebiso, Alxamdulillaah Alle wuu naga badbaadiyay waana dilnay. Yaxaaska usha ayaa biyaha loogu garaacaa markaas agtaada wuu ka cararaa. Sidoo kale waxaan goob joog u ahaa nin uu Yaxaas qaaday oo uu gacanta ka qaniinay, ninki waa loo soo gurmaday waana laga fujiyay”.
Shaacir waxa uu aaminsan yahay in jillaabashada looga maarmi karo shaqo la’aanta iyo tahriibka, wuxuu soo bandhigay tusaale cad oo qof walba u muujinaya fursadda taalla wabiga oo ah dhaqaalaha badan ee laga helayo, wuxuu xusay in mararka qaar uu habeenkii kalluunka ka xareeyo lacag dhan $50 doolar (konton doolar).
Sidoo kale Maryan ayaa ugu baaqday dadka shaqo la’aanta ah iyo kuwa qaxootiyada jira iney kusoo biiraan kalluumeysiga. “Ilaaheyga waaxidka ah waxaan ka tuugeynaa dadka qaxootiyada u carara inuu lugahooda dhulka ugu qabto oo uu beerahooda tuso, kii xataa jillaaban kara wey u sahlan tahay waxaana ka xiga oo kaliya inuu iibsado shabaq lagu soo iibsan karo $50-$100 (konton illaa boqol doolar oo kaliya”.
Malaayga waxaa laga helaa nafaqo jirka uusan ka maarmin sida borotiin tayo leh, maadada “Iodine” oo muhiim u ah dadka qaba bararka thyroid-ka “Goiter” iyo fitamiino kala duwan. Dadka deggan dhulka dhoobeyda sida Jubbooyinkana waxay kula tacaalaan hargabka, nafaqo darrada, caabuqa iyo cudurka duumada.