Taardhuleed oo Dhalliilay Joogitaanka Xasan Sheekh Ee Dhuusomareeb.

Wuxuu ka shaaca ka qaaday in Xasan uu culeys iyo dhibaato kusoo kordhiyay magaalada Dhuusomareeb, isagoo soo bandhigay tusaalooyin uu arrintaasi ku muujinayo.
Taar-dhuleed wuxuu sheegay dagaalkii uu Xasan Sheekh kula jiray Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ee ka socday Galgaduud uu labadii bilood ee ugu dambeysay kusoo uruuray in difaac laga xerto magaalada Dhuusomareeb oo ah halka uu joogo Xasan.
Intaa wuxuu ku daray in uu jiro khalad iyo siku dhax yaac badan isagoo xusay in aysan xilligan dadkii dagaalka taageersanaa u muuqdaan kuwa quustay oo aan faraxsanayn.
“2-bilood kadib dagaal Alshabaab, Dhusamareeb baa difaac looga jiraa, safarkii Madaxweynaha wuu Fashilmay,” ayuu yiri wasiir hore Taar-dhuleed.
Ciidanka DF ayuu sidoo kale ku sifeeyay iney yihiin kuwa aanan heysan niyad ay kula dagaalamaan askarta Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.
DF ayaa jabkii ugu dmabeeyay kala kulantay degaanka Ceel-la-helay ee wilaayada Galgaduud halkaasoo dib looga qabsaday ciidamadeeda, lagana dilay in ka badan 70, halkaasoo sidoo kale maxbuus, hub iyo gaadiid looga qabsaday.