War-Saxaafadeedka Maktabka Warfaafinta: Daah-karogidda daboolka AFRICOM.

 

War saxaafadeed kasoo baxay Matkabka Warfaafinta Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, ciwaanna loo dhigay “Daah-karogidda daboolka AFRICOM: Xabaal wadareed laga heley gobolka Galgaduud” kuna qornaa luuqada Englishka ayaa lagu sheegay in Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay heshay xabaal-wareedka dadkii shacabka ahaa ee horaantii bishii September saliibiyiinta Mareykanka ku xasuuqeen deegaan hoostaga degmada Ceelgaras ee gobolka Galgaduud.

Waxaa bayaanka lagu billaabay “ Kadib xasuuqii wuxuushnimo ee ay AFRICOM ku gumaaday 5 caruur ah iyo ayeeyadood ee 06dii September 2023 ka dhacay deegaanka Oodweyn ee wilaayada Islaamiga Galgaduud, waxay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab daaha ka feydeysaa cadeymo horleh oo banaanka soo dhigaya macluumaad ku saabsan howlgalka uu Maraykanku aadka u qariyay” ayaa lagu yiri war saxaafadeedka.

War saxaafadeedka oo sii socda ayaa lagu yiri: “waxaa la helay xabaal wadareed ay ku aasanyihiin 4 ruux ayaa laga heley nawaaxiga deegaanka Ceel-Lahellay, meydadka la helay ayaa kala ah  ayeeyo Kaaha Takar Warsame, oo 60 sano jir ahayd iyo saddex kamid ah caruurtii ay ayeeyada u ahayd, kuwaasoo dhamaantooda lagu dilay weerarkii bishii tagtay ay AFRICOM ku beegsatay dadka shacabka ah. Meydadka 2 caruur oo kale ayaanan nolol iyo geeri midna lagu heyn, kuwaas oo weli ku maqan gacanta Saliibiyiinta AFRICOM.”

Waxaa sidoo kale war saxaafadeedka lagu yiri: “Markii uu dhacay xasuuqii ay saliibiyiintu u geysteen qoyskan xoola dhaqatada, wuxuu maktabka siyaasadda iyo wilaayaadka ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab bayaan kasoo saaray weerarka, isagoo tacsiyo u diray ehellada dadka la xasuuqay, wuxuuna taliska AFRICOM faray inay soo celiyaan shuhadadii ay qaateen, laakiin isku dayo quus ah oo ay uga luga baxsaneyso mas’uuliyada gumaadkii ay geysatay, iyadoo dadka ugu baaqeysa inaan la rumeysan war saxaafadeedka kasoo baxay Mujaahidiinta.”

“AFRICOM ayaa eeda wixii dhacay dusha ka saartay maleeshiyaatka Soomaalida, dowrkeedana waxay kusoo koobtay in goobta dhacdada ay ka daabushey dadkii la laayey si ay gurmad caafimaad ugu fidiso, taas oo ah sheegasho ay AFRICOM ku duugeysay xasuuqii ay caruurta iyo dumarka ugu geysatay deegaanka Oodweyn.

Sidoo kale warka kasoo baxay maktabka warfaafinta ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa lagu yiri: “Xogtan dheeraad ah ee laga helay xasuuqa shacabkii lagu laayey Oodweyn ayaa marklae banaanka soo dhigeysa cadaawadda gaamurtay ee Saliibiyiinta, waxay muujisay heerka ay gaarsiisan tahay munfaaqnimada, xishood la’aanta iyo anshax xumada taliska AFRICOM iyo hogaankooda”

“Maanta runta banaanka ayay usoo baxday, AFRICOM-na waa dembiilayaal isku darsaday xasuuq iyo qarinta xaqiiqda, isku dayadii lagu doonayey in xaqiiqada lagu dafiro ama xeeladihii la damacsanaa in lagu khiyaameynayo bulshadana way fashilmeen oo beentooda ayaa noqotay mid baraxtiran. Inkastoo ay adeegsadaan halkudhigyada beenta ah ee dhowritaanka cadaaladda iyo xuquuqda Aadanaha, hadana waxay markale Saliibiyiinta AFRICOM muujiyeen dhaqankooda dhabta ah oo ah iney yihiin dhiigya-cabyo gacan ku dhiigalayaal ah, yoolkooduna yahay inay dulmiyaan Muslimiinta, diintooda islaamkana suuliyaan. Allaah Subaxanahu watacaala wuxuu yiri:

لَا يَرْقُبُونَ فِي مُؤْمِنٍ إِلًّا وَلَا ذِمَّةً ۚ وَأُولَٰئِكَ هُمُ الْمُعْتَدُونَ

Bayaankan kasoo baxay Matkabka Warfaafinta Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa kusoo aadaya, iyadoo dhowrjeer bayaanaad kasoo baxay taliska ciidamada Maraykanka ee qaaradda Africa, ay isugu dayeen iney isaga fogeeyaan masuuliyadda gumaadkii wuxuushnimada ahaa ee lagu laayay qoys reer baadiye ah oo deganaa deegaanka Oodweyne ee hoostaga degmada Ceel-garas ee gobolka Galgaduud.

Inkastoo hadda la heley meydadka 4 ruux oo ay hal god ku tureen ciidamada AFRICOM, waxay weli ehellada dadkooda la dhibaateeyay codsanayaan iney helaan caruurta kale ee ku maqan gacanta saliibiyiinta ee aan nolol iyo geeri midna lagu ogeyn.

Mudooyinkii u dambeeyay, waxaa sii kordhayay tacadiyaadka iyo gabood fallada aan loo meel dayin ee uu taliska AFRICOM ku beegsanayo caruurta iyo haweenka, isagoo ku andacoonaya inuu beegsanayo xubno katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, xusuuqii ugu dambeeyay ee ay geysteen diyaaradaha Maraykanka ayaana ka dhacay deegaan hoostaga degmada Buur-dhuxulle ee gobolka Bakool, halkaas oo ay ku dileen 6 caruur ah iyo labo haween ah oo dhamaantooda hal qoys kasoo wada jeeda.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.