Wararkii ugu dambeeyay Khasaaraha Ka dhashey Howlgalka Duufaanta Al-Aqsaa.

 

Waxaa marba marka ka dambeysa aad usii kordhaya khasaaraha ka dhashey dagaalka ballaaran ee ay reer Filastiin kaga jiraan dhulka ay xooga ku heystaan Yahuudda ee dhaca xeyndaabka Qazza.

Tirada dhimashada ee Yahuudda ayaa hadda gaartay 100 ruux, halka dhaawacyaduna ay kor u dhaafayaan 1000 ruux, waxaana jira maxaabiis aad u farabadan oo u gacan galay kooxaha Muqaamawada Filastiin.

Afhayeenka Cizzu-diin Al-Qassaam oo qoraal soo dhigay barta Telegramka wuxuu ku sheegay iney gacanta ku hayaan tobanaan maxaabiis oo ay ku jiraan saraakiil sar sare oo katirsan ciidamada Yahuudda.

Dhinaca Yahuudda, waxay duqeymo culus ku garaacayaan deegaanno katirsan Jiidda Qazza, duqeymahaas oo ay ku waxyeeloobeen dad muslimiin, kuwaasoo ay gaareen waxyeello isuga jirta dhimasho iyo dhaawac.

illaa iyo hadda waxaa dagaallo ka soconayaan deegaannada Xeyndaabka Qaza dhaca, kooxaha Muqaamawada ayaana jebiyay ciidamada Yahuudda oo marar badan isku dayay iney la wareegaan deegaannadii saaka laga saaray.

 

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.