Warsaxaafadeed: ‘Jawaabta Mujaahidiinta ee ku Aadan War-Murtiyeedka Midowga Africa’

Maktabka warfaafinta Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa jawaab ka bixiyay dalab kasoo baxay Midowga Afrika oo ahaa, in Soomaalidu bixiso mushaarka ciidamada shisheeye.

Hadalka midowga Afrika oo shuruud u ahaa codsi ay DF u dirsatay oo ahaa iney hakiyaan wajiga labaad ee bixitaanka ciidamada shisheeye, ayay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ku tilmaantay inuu yahay war lagu maadeysto.

Warsaxaafadeedka oo ku qoran luqadaha Carabiga iyo Ingiriisiga ayaa lagu sheegay in hadalka ururka midowga Afrika uu caddeyn u yahay in waxa ay Soomaaliya u joogaan aysan ahayn “nabad ilaalin” balse ay tahay iney dhaqaale ka sameeyaan dhiigga ummadda muslimka ah ee Soomaaliyeed.

Sidoo kale waxaa warsaxaafadeedka lagu caddeeyay in cidda ciidamada shisheeye wadanka ku haysa ay tahay DF maadaama mar walba oo ay baxayaan ay ka codsanayso iney joogaan.

Warsaxaafadeedka waxaa si toos ah lagula hadlay ciidamada shisheeye iyadoo la dareensiiyay ineysan u suura gali doonin admaacdooda doqonnimaa ah sida in dadkii ay mudada dheer dhibaatada ku hayeen ka dalbadaan dhaqaale ay kusii gumeystaan.

Halkan Ka Degso Warsaxaafadeedka oo Ingiriis Ah

Halkan ka Degso Warsaxaafadeedka oo Soomaali Ah

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.