Warsaxaafadeed: Khasaaraha Dhimasho Ee Dagaalkii Gaadaay oo 58 Gaaray.

Taliska ciidanka Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa war kasoo saaray dagaal culus oo maanta ka dhacay degaanka Gaadaay oo u dhow magaalada Wisil ee Wilaayada Jubbooyinka.

Warka kasoo baxay Xarakada Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in weerar ka hortag ah lagu qaaday ciidamada DF xilli ay doonayeen iney weerar ka geystaan degaanada u dhaxeeya Bacaadweyne iyo Wisil.

Warsaxaafadeedka waxaa lagu xaqiijiyay in DF dagaalka lagu gaarsiiyay khasaare lixaad leh oo naf iyo maal isugu jira waxaana lagu yiri bayaanka. “Mujaahidiinta oo si dhow ula socday dhaqdhaqaaqa cadawga ayaa waxay – Allah fadligiis – dagaal socday muddo saacado ah kadib, jab lixaad leh u geysteen maleeshiyadii murtadiinta ahaa, waxaana jira khasaare dhimasho iyo dhaawac oo cadawga soo gaaray. Sidoo kale waxaa jira gaadiid, hub iyo saanad ciidan oo laga qaniimaystay murtadiinta”.

Taliska ciidanka Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab wuxuu xaqiijiyay in ciidanka DF laga dilay ku dhawaad 60 askari: “Tirada dhimashada ee gaartay murtadiinta, inta aan ilaa hada xaqiijinay, waa 58 murtad, kuwaas oo ay ku jiraan saraakiil muhiim u ahaa cadawga. Dhaawaca cadawgu waa 71 murtad. Saraakiisha lagu dilay dagaalka waxaa kamid ah Kornayl Calinaasir Cabdi Faarax, oo ahaa taliyihii hogaaminayay maleeshiyada murtadiinta ah ee maanta lagu jebiyay dagaallka Mudug, waxaana maydadka isaga iyo 14 kamid ah mooriyaantiisa looga cararay fagaaraha dagaalka” sidaasi waxaa lagu yiri warka kasoo baxay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

Sidoo kale waxaa warsaxaafadeedka lagu xadiday tirada gaadiidka ee maanta laga furtay DF waxaana lagu yiri: “Mujaahidiintu waxay – Allah fadligiis – qaniimaysteen saddex (3) kamid ah gaadiidkii ay cadawgu wateen, kuwaas oo qaarkood ay yihiin gaadiidka dagaalka ee loo yaqaano Tiknikada”.

Taliska ciidanka Xarakada Al-Shabaab ayaa sheegay inuu dib kasoo gudbin doono wixii kasoo kordha dagaalkii maanta ka dhacay degaanka gaadaay maadaama warsaxaafadeedka uu si hordhac ah usoo qadimay khasaaraha.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.