Wasiirka Gaashaandhigga ee Kenya oo Shaaciyay Xilliga Ciidanka Kenya ay Isaga Baxayaan Soomaaliya.
Waziirka gaashaandhiga dalka kenya Aadan bare ducaale ayaa sheegay inay la baxayaan AFARKUN OO ASKARI oo keenyaati ah bisha diseenbar ee sanadka soo socda
Ciidanka uu sheegay in la saarayo ayaa waxay qeyb ka yihiin kuwa ATMIS oo kolkii hore la oran jiray AMISOM, waxa uuna Aadan Barre Ducaale hadalkaan ka horsheegay Aqalka sare ee baarlamaanka dalkaas.
Aadan waxaa kaloo uu baarlamaanka ka hor sheegay in 400 oo askari oo kenyaati ah laga saaray soomaaliya bishii juun ee sanadkaan, kuwaas oo qayb ka ahaa laba kun oo askari oo ka tirsanaa shisheeyaha ATMIS oo ka kala socday dalalka kala ah, itoobiya, jabuuti, yugaandha, burundi iyo kenya.
Aadan bare ducaale oo la waydiiyay tirada ciidamada kaga dhimtay soomaaliya mudadii ay joogeen ayaa ka gaabsaday suáasha la waydiiyay, isagoona u weeciyay inay magdhow siiyeen ehelada dhamaan askartii looga laayay soomaaliya intii ay duulaanka ku joogeen.
Ciidamada Kenya oo sannadkii 2011-ka duullaan kusoo qaaday Soomaaliya ayaa la kulmay qaar kamid ah weeraradii ugu cuslaa ee shisheeyaha ku beegsada Soomaaliya, waxaana ugu caansanaa weeraradii Ceelcadde iyo Kulbiyo oo dowladda Kenya looga dilay boqallaal askari.
Duullaanka Kenya ee Soomaaliya ayaa dhanka kale albaabka ufuray silsilado howlgallo ah oo ay ciidamada XSHM Al-Shabaab ka fuliyeen gudaha Kenya, si gaar ah magaalada Nairobi ee caasimadda dalkaas, waxaana weerarada ay ciidamada XSHM ka fuliyeen gudaha Kenya tan iyo wixii ka dambeeyay duullaankeeda ka dhanka ah Soomaaliya lagu dilay kumannaan Keenyaan ah, iyo ajaanib kasoo jeeda wadamada reer galbeedka ee ku sugan magaalooyinka waaweyn ee dalkaas.