Weerar Gaari Looga Furtay Xubin katirsan Baarlamaanka Mareykanka oo Ka Dhacay Meel Udhaw Aqalka Congaress-ka.

Sawirka Xildhibaanka Gaariga laga furtay ee katirsan baarlamaanka xukuumadda Washington.

Mid kamid ah xildhibaannada Dumuquraadiga ee laga soo doortay gobalka Texas laguna magacaabo Hennary Kuwilaar ayaa lagu weeraray, afaafka hore ee xarunta Congress-ka Mareykanka ee ku taalla magaalada Washington ee caasimadda dalkaas, maalintii shalay oo Isniin aheyd.

Illaa 3 ruux oo hubeysan ayaa lagu soo waramayaa iney weerareen xildhibaankaan katirsan baarlamaanka Mareykanka, kaas oo ay ka furteen gaarigii uu watay, waxaana socda baaritaan ku aaddan falkaan, sida ay sheegeen masuuliyiin katirsan xukuumadda Washington.

Kooxda weerarka geystay oo lagu tilmaamay iney ahaayeen tuugo ayaa la sheegayaa iney la wareegeen gaariga Xildhibaanka iyo alaabtii u saarneed intaba, sida uu baahiyay wargeyska Washington Post ee kasoo baxa dalka Mareykanka, oo soo xiganaya boliska caasimadda iyo xubin katirsan Aqalka Congress-ka Mareykanka.

Wargeyskaan Washington Post waxa uu intaa ku daray, in mid kamid ah ragga saddexda ah ee weerarka ku qaaday xildhibaanka uu bastoolad ku hubeysnaa, kuwaas oo goobta isaga baxsaday.

“Ma jiraan cid wax ku noqotay falkaan” ayaa lagu yiri war kasoo baxay xafiiska xildhibaankaan Americanka ah ee laga soo doortay gobalka Texas, kaas oo la kulmay weerarka looga furtay gaarigiisa.

Isagoo Ihmaal galinaya lahaanshiyaha xildhibaanka ee gaarigaan la furtay ayuu wargeyska Washingon Post sheegayaa, ineysan jirin calaamado muujinayo  in wax dhibaatada ah ay ka dhasheen weerarka, iyo in taarikada gaariga ay muujineyso in qofka iska leh uu xubin ka yahay aqalka Congress-ka Mareykanka.

Xildhibaankaan ayaa waxa uu markii 10 tobanaan kamid noqday kuwa baarlamaanka Mareykanka ku matalaya gobalka Texas ee dalka Mareykanka, illaa iyo haddana si rasmiga ugama uusan hadlin weerarka la sheegay in lagu qaatay gaarigiisa.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.