Xildhibaan qarax lagu weeraray iyo Ergay la dilay.

Ciidamada Xarakada Shabababul Mujaahidiintu ayaa  qarax la beegsadeen guriga Degmada Waaberi ee Magaalada Muqdisho ka degan yahay mid kamid ah xildhibaanada Dowladda Federaalka ah  kaasoo lagu magacaabo Xaaji Cali.

Xogtu waxay sheegeysaa in Xildhiabanku qaraxa uu ka bad baaday i balse gaariisa oo guriga dhax yiil wax yeelo soo gaartay.

Geesta kale Ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin howl gal  ay ka fuliyeen xaafada KBB ee Degmada Hodan ee isla Magaalada Muqdisho waxay ku dileen nin ka mid ahaa ah ergadii xildhibaanada Dowladda Federaalka ah soo dooratay gaar ahaan  qeybta laga soo doortay Maamulka  Koofur Galbeed,

Ninkaan la dilay ayaa la oran jiray  Cusmaan Maxamad Xasan Waarow waxaana goor dambe goobta laga qaaday meydkiisa.

 

 

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.