2 Askari oo Ka Tirsan Ciidanka DF oo Isku Dilay Jowhar.
Magaalada Jowhar ee gobolka Shabeelaha Dhexe waxaa saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay iska hor imaad dhex maray labo askari oo ka tirsan ciidanka DF.
Askarta ayaa ku dagaalamay maandooriyaha qaadka loo yaqaano waxaana ay billaabeen iney israsaaseeyaan taas oo keentay in mid walba ay ku dhacdo xabbadihii ay is weydaarsanayeen.
Labadooduba iyagoo dhaawac garaab ah ayaa waxaa loo qaaday isbitalka, saacad kadibna waxaa ay geeriyoodeen.
Ciidamada DF ayaa caan ku ah isticmaalka maandooriyaha loo yaqaano qaadka kaasoo ay dowladdu kasoo dajiso garoomada diyaaradaha, kana qaadato canshuur.