50 Ruux oo Amxaaro ah oo Lagu Dilay Duqeyn ay Dowladda Itoobiya ka Fulisay Gobalka Amxaarada.

Dalka Itoobiya waxaa wali ka soconaya dagaallada laayaanka ah ee u dhexeeya maleeshiyaadka Amxaarada ee loo yaqaanno FANO iyo ciidamada dowladda Xabashida Itoobiya.

Wararka ka imaanaya dalka Itoobiya ayaa ku waramaya in tobannaan ruux lagu dilay duqeyn cusub oo ay dowladda Xabashida Itoobiya ka geystay gobalka Amxaarada.

Ugu yaraan 50 ruux oo Amxaaro ah lagu dilay duqeyntaan ay dowladda Itoobiya ka geystay gobalka Amxaarada ee ay ku xooggan yihiin maleeshiyaadka FANO ee dagaalka kula jira xukuumadda Adis Ababa.

Duqeynta ayaa si gaar ah uga dhacday deegaano ku yaalla waqooyiga gobolka Wollo iyo bariga gobolka Gojjam oo ka wada tirsan gobalka Amxaarada.

Waxay wararku intaa ku darayaan, in dadka ku dhintay duqeyntaan ay iskugu jireen dad shacab ah iyo maleeshiyaad ka tirsan FANO kuwaas oo dagaal kula jira maamulka Abey Axmed.

Dagaalka gobalka Amxaarada ayaa maalmihi lasoo dhaafay sii xoogeystay, waxaana saacadihii ugu dambeeyay lasoo warinayay in dagaallo culus oo udhexeeya ciidanka fedaraaliga iyo Maleeshiyaadka FANO ay ka dhaceen gobalka Amxaarada.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.