CCSH: “Codka Ugu Badan Ee Ay Kusoo Baxday Codka Yahuuda Ayuu Ahaa Runtii”.
Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ah ergayga madaxweynaha DF u qaabilsan arrimaha bani’aadannimada oo ka qeyb galay kulan lagu taageerayay haweeney Soomaali ah oo doortay duqda magaalada St. Louis Park ayaa daaha ka rogay xog aysan horey u heyn dad badan.
Siyaasigan oo aad ugu dhuun daloola arrimaha dimuqraadiyadda iyo habka dowladaha Reergalbeedka ayaa ammaan kala duldhacay gabadha oo lagu magacaabo Naadiya Maxamad.
Naadiya oo lugaha lasii galeysa da’da sodonaad ayaa waxa uu ku amaanay in ay codadka ugu badan ka heshay dadka Yahuuda ah ee ku nool magaalada ay duqda ka noqotay.
Dad badan ayaa isweydiinaya goorta ay ammaan noqotay in Yahuudu ku doorato. Mas’uuliyiintii kasoo qeyb galay kuwii xafladda kasoo qeyb galay oo isugu jiray kuwa ka yimid Mareykanka iyo qaar gabadha ku dhow ayaa isku dareen ahaa.
Cabdiraxmaan ayaa xusay in Naadiya ay muujisay dadaal iyo karti kadib markii iyadoo qaxooti ah ay wax baratay islamarkaana gaartay heer ay madax ka noqoto magaalo ku taallo Mareykanka.
Dadka ugu caansan ee xafladda kasoo qeyb galay waxaa kamid ah Sacdiyo Yaasiin oo ah gudoomiye ku xigeenka Baarlamaanka taasoo muddo ku noolayd Mareykanka, dhowr bilood ka horna keentay xeerka Jinsiga.