Ciidanka Maali Kuwa Burkinafaso & Murtazaqada Fagnar oo Xsuuqaay in ka Badan 120 Ruux oo Rayad ah.(Warbixin)
Waxaa aad usii kordhay gaboodfallada iyo xasuuqa wuxuushinmada ah ee ay ciidamada xukuumadaha dalalka Burkinafaso iyo Maali iyo maleeshiyaadka Murtazaqada Fagnar kula kacayaan dadka Muslimiinta ah ee ku dhaqan dalalkaas.
Maalmihii lasoo dhaafay waxay ciidamadaan geysteen gaboodfallo aad u daran oo ay ku beegsadeen dadka rayadka ah, waxaana gacantooda ku baxay in ka badan 100 ruux oo Muslimiin ah.
Xasuuqa ugu foosha xun waxaa ku kacay ciidamada xukuumadda Burknafaso, kuwaas oo dilay tobannaan ruux oo u badan haween iyo caruur.
War kasoo baxay Myjaahidiinta jamaacada Nusratul Islaam Wal Muslimiin ayaa looga hadlay xasuuqa fooshaxun ee ay ciidamadaan kula kaceen Muslimiinta ku dhaqan dalalka dariska ah ee Maali iyo Bukifanaso.
“Ciidanka Burkinafaso ee faashilka ah waxa uu ku kacay Gumaad wuxuushnimo oo ka fog banii aadamnimada, kaas oo uu kula kacay dadka rayadka ah, isagoona xasuuqay ku dhawaad 100 ruux oo u badan haween iyo caruur” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Mujaahidiinta jamaacada Nusratul Islaam Wal Muslimiin ee looga hadlay gummaadka foosha xun ee ay ku kaceen ciidamada xukuumadda Burkinafaso.
Xasuuqaas ayaa waxa uu ka dhacay degaanka Zaango ee gobalka Bolsa, “Sidaasi ayay dilka caruurta iyo haweenka u geysanayaan iyagoo adeegsanaya magaca la dagaalanka “Argagixisada” balse dhab ahaan iyaga ayaa ah Argagixiso” ayaa sidoo kale lagu yiri warka kasoo baxay Mujaahidiinta Al-Qaacida ee galbeedka Africa.
Qeybaha dambe ee warka kasoo baxay Mujaahidiinta ayaa looga tacsiyeeyay xasuuqaan foosha xun waxaana lagu yiri “Waxaan allaah weydiisaneynaa inuu unaxiirsto dadkii ku dhintay xadgudubkaan foosha xun, Innaa Lillaahi Wa innaa Ileyhi Raajicuun”.
Sidoo kale xasuuq kaas lamid ah waxaa ku kacay ciidamada xukuumadda Maali iyo Maleeshiyaadka calooshood-ushaqeystayaasha Fagnar ee uu Ruushku taba bartay, kaas oo ka dhacay dalka Maali.
“Maalmihii tagay ciidamada Maali iyo Murtazaqada Fagnar ayaa xasuuqyo ka geystay goballada Siiqu iyo Mobiti ee dalka Maali” ayaa lagu yiri war kasoo baxay Jamaacada Nusratul Islaam Wal Muslimiin.
Xasuuqa 01-aad oo ka dhacay gobalka Siiqu ayay ciidamadaan huwanta ah ku dileen ugu yaraan 12 ruux oo rayad ah, kuwaas oo kamid ah bulshada ku dhaqan gobalka.
Isla gobalkaan waxay sidoo kale ciidamada is garabsanaya weerar ku qaadeen tuulo ay daganaayeen dad reer baadiye ah, iyadoona xasuuqay tiro kamid ah dadka Muslimiinta ah, islamarkaana dab qabad siiyay teendhooyin halkaasi ugu dhisnaa, sidoo kale waxay laayeen xoolihii ay dadkaan dhaqanayeen.
Gobalka Mobiti ayaa isana kamid ah goobaha ay xasuuqa ka geysteen ciidanka xukuumadda Maali iyo Maleeshiyaadka Fagnar, waxaana tuulo katirsan gobalka ay ku dileen ku dhawaad 10 ruux.
Tuulada Jaanki ayay ciidamadaan huwanta ah ku weerareen dadka degaanka, iyagoona halkaasi ku dilay ugu yaraan 8 ruux oo uu ku jiray canug yar, sida lagu xaqiijiyay war kasoo baxay mujaahidiinta Nusratul Islaam Wal Muslimiin.
Mid kamid ah Ahdaafta ay u dagaallamayaan guud ahaan Mujaahidiinta ayaa ah u gar gaaridda dadka dufacada ee Masaakiinta ah, kuwaas oo dhibaato adag kala kulmaya shisheeyaha kusoo duulay wadamada Muslimiinta.
Mujaahidiinta Nusratul Islaam Wal-Muslimiin oo ka duulaya arrinkaas ayaa waxay si gaar ah u beegsadeen Maleeshiyaadka calooshood-ushaqeystayaasha Fagnar ee uu Ruushku soo taba bartay, dhawaan ayayna aheyd markii silsilado weeraro ah oo ay ka fuliyeen dalalka Maali iyo Burkinafaso ay ku beegsadeen askar katirsan xukuumadaha dalalkaas, iyo Maleeshiyaadka calooshood-ushaqeystaaasha Fagnar ee uu Ruushku tababartay.