Dagaallo Culus iyo Duqeymo Xoogan Oo ka dhacay Gobolka Amxaarada.
Dagaallo culus iyo duqeymo ayaa saacadihii lasoo dhaafay waxa ay ka dhaceen qeybo kamid ah gobalka Amxaarada ee dalka Itoobiya, kuwaas oo ay ku dhinteen tobannaan ruux oo isugu jira askar iyo dad shacab ah.
Duqeyntii ugu dambeysay ee shalay ka dhacday degaanno katirsan gobalka Amxaarada ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan 50 ruux oo Amxaaro ah, waxaana duqeyntaasi geystay dowladda Xabashida Itoobiya.
Dowladda Itoobiya iyo Maleeshiyaadka FANO ayaa diyaar garow adag ugu jira sidii ay mar kale u gali lahaayeen dagaallo qaraaar oo aan waxba la isula harin, iyadoona meelo badan laga dareemayo dhaqdhaaqyo ciidan.
Maleeshiyaadka Amxaarada Fano ayaa tababar usoo xiray boqolaal askari waxayna wacad ku mareen in ay dagaallada sii wadayaan illaa ay ka ridayaan wax ay ugu yeereen nidaamka Faashiga Itoobiya oo ay ula jeedaan Abiy Axmed.
Mucaaradka Amxaarada Fano ayaa umuuqda in colaadda kala dhaxayso dowladda Itoobiya ay uheleen taageero gobolka ah iyo mid caalami ah.
Sidoo kale Q.Midoobay ayaa sheegtay in xasuuq daran uu ka socdo ismaamulka Amxaarada ee dalka Itoobiya.
Colaadda sokeeye ee ka socota dalka Itoobiya ayaa gallaafanaysa nolosha tobanaan kun oo isugu jira shacab iyo dhinacyada loollamaya.
Warbixinno cusub oo soo baxay ayaa sheegaya in dagaalka udhaxeeya ciidamada Federaaliga Itoobiya iyo maleeshiyaadka Amxaarada Faano uu sababay dhimashada kumanaan rayid ah.
Hay’ado katirsan Q.Midoobay ayaa sheegay in bilihii lasoo dhaafay dad farabadan lagu dilay weeraro xagga cirka ah oo ka dhacay ismaamulka Amhara.
Diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee Drones-ka ayaa loo adeegsaday isku imaatinno shacab arrinkaas oo khasaara badan dhaliyay.
Ilo wareedyo ayaa sheegaya in diyaaradahan oo maamulka Abiy Axmed uu kasoo kiraystay dalalka Turkiga iyo Shiinaha ay halis ku hayaan dadka kasoo jeeda qowmiyadda Amxaarada
Si kastaba ha ahaatee dagaallada ayaa maalinba maalinta ka dambeysa soo xoogeysanaya, waxaana dhinacyada ay dirirtu ka dhaxeyso uu mid waliba ku goodinayaa inuu kan kale ka taqallusi doono.