Alshabaab oo soo bandhigay Muuqaalka askar Jubbaland ka goosatay oo isu soo dhiibtay.

Al-Kataa,ib Al-Ikhbaariyah ayaa  muddo todobaad gudihiis ah baahisay, Muuqaalkii labaad oo lagu soo bandhigayo askar kasoo goosatay Maamulka Jubbland, kuwaasoo iskusoo dhiibay Wilaayada Islaamiga ah ee Jubbooyinka.

Askartaan  oo tiro ahaan gaaray illaa Afar Askari, ayaa ka sheekeeyay dhibaatooyin loo geystay intii ay ka mid ahaayeen Maamulkii ay katirsanaayeen, waxayna ka kala yimaadeen Deegaano kala duwan oo uu ka arrimiyo Maamulka Axmad Madoobe.

Askartaan ayaa  kala ah Axmad Cabdi Xasan, Muxammad Buulle Muumin oo ka hadlaya, qaabkii ay ugu biireen Maamulka Jubbaland.

Waxay sheegeen in ay ku faraxsan yihiin in ay isu soo dhiibaan Xarakada Shabaabul Mujaahidiin isla markaasina wanaagsan loo dhaweeyay.

Askartaan ayaa Ciidamadii ay ka soo tageen ee Jubbaland iyo kuwa la mid ah  ugu baaqay in ay shaqada isaga tagaan maxa yeelay bay yiraahdeen waxa ay ka barbar dagaalamayaan Shisheeye Dalka ku  soo duulay.

Halkaan ka dhegeyso Warka Askarta Soo goosatay

 

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.