Halkee bay Marayaan Dagaallada iyo Duqeymaha Qazza maalinkii 45aad?
Maalinkii 45aad oo xiriir ah, waxaa Jiidda Qazzza ka soconaya dagaallo culus oo dhexmaraya ciidamada Yahuuudda iyo kooxaha Muqaamawada Filastiin, kuwasaoo dharbaaxooyin kulul gaarsiinaya ciidamada Yahuudda.
Ciidamada Yahuudda oo illaa iyo hadda wax guul ah xaqiijin la’ ayaa waxay wadaan beegsiga isbitaallada iyo xarumaha caafimaadka, isbitaalka Ash-Shifaa kadibna waxay ciidamada Yahuudda hadda bilaabeen iney go’doomiyaan isbitaallada Al-Indanoosi iyo AlCowdah ee wuqooyiga Jiidda Qazza.
Duqeymo iyo rasaas ay ciidamada Yahuudda la dheceen isbitaalka Al-Indanoosi ayaa la xaqiijinayaa iney ku dhinteen ugu yaraan 8 ruux, oo mid kamid ah yahay dhakhaatiirta ka howlgaleysay isbitaalka.
Waxaa adag in isbitaalka ay dadku kasoo baxaan ama la geeyo dhaawacyo horleh, sababo ku aadan ciidamada Yahuudda oo si bareer ah u beegsanaya wax weliba oo ka dhaqaaqa gudaha iyo banaanka isbitaalka.
Dhinac kale waxaa weli isbitaalka Ash-Shifaa ay ciidamada Yahuudda ku heystaan ugu yaraan 200 oo ruux, iyadoona masuul u hadlay waaxda caafimaadka ee Qazza uu xaqiijiyay in caruurtii bukaannada ahaa ee isbitaalka ku jirey lagu guuleystay in dhamaantooda lasoo gaarsiiyo koonfurta Jiidda Qazza.
Dhinac kale, waxaa weli halkooda kasii socda dagaallada adage ee dhexmaraya kooxaha Muqaawamada iyo ciidamada Yahuudda, iyadoo marba marka kasii dambeysa ay sii kordhayaan khasaaraha gaaraya askarta Yahuudda.
Maalintii shalay oo keliya ayaa wadarta guud ee ciidamada Yahuudda looga dilay dagaallada Qazza waxay qirteen iney gaarteyso 7 askari, halka maantana ay qirteen dhimashada 3 askari iyo sarkaal, taasoo ka dhigan in dhimashada guud ciidamada Yahuudda ee ka dagaallamaya Qazza ay mareyso 67 askari.
Garabka milliteri ee Cizzudiin Al-Qassaam ayaa baahiyay muuqaallo muujinaya ciidamadooda oo si adag u beegsanaya gawaarida dagaalka ee ciidamada Yahuudda iyo askarta ku dhuumanaya dhismayaasha.
Mid kamid ah muuqaallada ayaa muujinaya ciidamada Muqaawamada oo gubaya gawaarida Tangiyada, kuwaasoo ay meelo dhow uga soo baxayaan, waxaa sidoo kale la arkayaa ciidamada Muqaawamada oo si fudud isaga dhex gudbaya wadooyinka magaalooyinka Qazza, taasoo muujineysa inaay Yahuuddu ku guuleysan iney hakad geliyaan isku socodka shaqada Muqaawamada.
Mid kamid ah muuqaallada waxaa lagu arkayaa dagaalyahanno katirsan Muqaawamada oo camaliyad nafhurnimo ah ku qaadaya ciidamo Yahuud ah oo difaac ka dhigtay isbitaalka Ar-Rantiisi, waana muuqaalkii ugu horeeyay oo ay Muqaawmadu kusoo bandhigto dagaalyahannadooda oo camaliyad nafhurnimo fulinaya tan iyo markii uu billowday howlgalka Duufaanta Al-Aqsaa.
Muuqaallada ay baahisay Cizzudiin Al-Qassaam waxaa lagu arkayaa agabyo milliteri oo laga qabsaday ciidamada Yahuudda, sida koofiyadaha ay wateen, hub iyo qalabyo kale, waana muuqaal adkeynaya oo sugaya khasaaraha maalinle ah ee ciidamada Yahuudda ku gaaraya dagaalka Qazza.
Marka laga sootago dagaallada Jiidda Qazza ku dhexmaraya ciidamada Yahuudda iyo kooxaha Muqaawamadu, waxay Muqaawamadu weli sii wadaa beegsiga deegaannada Yahuudda ee dhaca xeyndaabka Qazza.
Aroornimadii hore ee maanta oo Isniin ah waxaa lasoo wariyay in dhowr gantaal oo laga tuuray Qazza ay ku dheceen gudaha deegaannada dhaca xeyndaabka Qazza, kuwaasoo aan weli la helin waxyeelllada ay geysteen.
Waxay sidoo kale Muqaawamadu beegstay saldhiga Riciim oo kamid ah saldhigyada milliteri ee ay ciidamada Yahuudda ku leeyihiin deegaannada dhaca xeyndaabka Qazza.
Dhinac kale Daanta galbeed, wararka ka imaanaya waxay tilmaamayaan in cidiamada Yahuudda ay xabsiyada u taxaabeen tobanaan ruux oo FIlastiiniyiin ah, kuwaasoo ay ka qafaasheen magaalooyinka kala duwan ee Daanta galbeed.
Ugu yaraan 38 qof ayay ciidamada Yahuudda aroornimadii hore ee maanta oo Isniin ah ka qabteen deegaannada Daanta galbeed kuwasoo ay xabsiyada u taxaabeen.
Dhanka wadanka Lubnaan, waxaa laga soo sheegayaa in iska hor imaadyo kookooban ay ka dheceen deegaannada xuduud beenaatka Lubnaan iyo FIlastiinta gumeysiga ku jirta.
Halkan ka dhagayso warbixin maalinkii 45aad ee dagaalka Qazza.