in ka badan boqol askeri oo la sheegay in ay Mucaaradka Puntland ku Biireen.
Askar badan oo ka goostay maamulka Saciid Danni Hogaamiye Madaxweynaha ka yahay eePuntland ayaa ku biiray Ciidamada Mucaaradka Doonaya in Kursiga uu asigu fadhiyo
120 Askari oo ka tirsanaa ciidanka Maamulka Saciid Cabdullahi Danni ayaa ku biiray ciidan horay ugu goostay Maamulaasi oo hadda taabacsan siyaasiinta Mucaaradka ku ah maamulka Puntland.
Sarkaalka watay ciidankan Maamulka Dandi ka goostay oo ka warbixyay sababta ku kalitfay in ay tillaabadaan ku dhaqaaqaan ayaa sheegay in Saciid Danni oo kursiga isku dhajinayo.
Sidoo kale waxa uu sheegay in ay la daalaa dhacayaan Mushaar la’aan iyo Caafimaad darro, isagoona dhanka kale xusay in Madaxweynaha Puntland uu degaannada uu ka arrimiyo ka abuurayo xaalado isugu jira Amni daro, sicir barar iyo qalaalaase siyaasadeed.
Sidoo kale Sarkaal u hadlay ciidanka mucaaradka ayaa soo dhaweeyay askarta ka soo godooday Maamulka Dani ee safkooda ku soo biiray isagoona dhanka kale sheegay in Saciid Danni uu wado isku dirka shacabka iyo iska horkeenka beelaha dega degaanada uu uu ka talsho, si uu markale ugu soo laabto kursiga, wuxuuna dhamaan ciidanka iyo dad weynahaba ugu baaqay inay ka hortagaan “damaca Danni oo uu mid gurracan ku sheegay.
Horay waxaa dagaallo u dhuxeeyay ciidamada Maamulka Puntland iyo kuwa Cucaaradka ay uga dhaceen Garowe kuwaasoo sababay khasaare kala duwan oo gaaray dhinyacyadaan iyo dadka rayadka ah, walow dhibaatadu ay ay ku dhacday Shacabka oo qaar Dagaalada lagu dilay kuwana lagu dhaawacay.
Halkaan ka dhegeyso Warka Ciidanka Puntland ee Mucaaradak ku biiray