Kenya: Ku Dhawaad 60 Kun oo Qof oo Ay Daadadku Saameeyeen.
Dalka Kenya oo kamid ah wadamada ay ka da’ayaan roobabka badan ayaa waxaa laga soo sheegayaa iney aad u badan yihiin dadka ay saameeyeen daadka.
Warbixin ay soo saartay hay’adda Bisha Cas qaybteeda Kenya ayaa lalagu sheegay in fatahaaduhu ay saameeyeen 58,132 qof oo markii hore danyar ahaa.
Sidoo kale madaxa maareynta musiibooyinka hey’adda oo lagu magacaabo Michael Ayabei ayaa telefishinka maxalliga ee Citizen u sheegay in fatahaaduhu ay ku barakaceen dad gaaraya 24,928 ruux.
Mas’uulkan ayaa nasiib darro ku tilmaamay tirada barakacayaashu ay sii kordhayaan maalin walba. Wuxuu intaa ku daray in ay dadka siinayaan digniino iyagoo kaashanaya waaxda saadaasha hawada iyo shirkadaha isgaarsiinta.
Dadka ugu badan ee ay daadku saameeyeen ayaa lasooo sheegayaa iney yihiin kuwa Kiristanka ah gaar ahaan beero qodatada.
Bisha cas waxay sheegtay in Kenya ay xilligan la daalaadhacayso saameynta roobka deyrta oo ku dhuftay 33 kamid ah 47-da ismaamul ee dalkaas.