Kulan Maareynta Daadadka la xariira oo Kuunyo Barrow ka dhacay.
Wilaayada Islaamiga shabeelada hose ayaa degaanka kunyo Barrow ku qabtay kulan balaaran oo halkudhigisu ahaa wacyigalinta bulshada ee ku aadan maraynta fatahadaha iyo daadadka
Kualankaan oo ahaa mid aad u balaaran ayaa waxaa kasoo qaybgalay qaybaha kala duwan ee bulshada sida culimada masuuliyiinta wilaayada Shabeelada hoose wax garadka Deegaanka Ganacstada Maclimiinta Madarista iyo waliba Haweenka.
Madasha kulanka waxaa laga jeeediyay kalimaad kala duwan, waxaana la isku dhaafsaday warbixinno kusaabsan xaalada fataahadaha ee Dalka guudahaan iyo gaarahaan Gobalka Shabeelada hoose ayadoo Madasha lagu daawaday Sawiro ku saabsan fatahadaha Saameeyay Degmooyin badan oo ku yaala bartamaha iyo Koofuurta Soomaaliya
ugu horayntii sheekh Cali Cabdullahi{ Cali katiin) oo ka mid ahaa Culimadii ka soo qayb gashay Kulanka ayaa jeediyay kalimad dhinacya badan taabanaysa oo ku saabsan waxa keena daadadka iyo fatahadaha marki lagu fiiriyo Dhanka Sharciga Islaamka iyo waxa la gudboon Bulshada Muslimka ah marka dhibaatooyinka caynkaan ah yimaadaan.
Sidoo kale waxaa Madasha kalimad ka jeediyay Suldaan Beesha Tunni Suldaan Maxamad Cabdiqaadir wuxuuna Bulshada kula dardaarmay in ay daadadka ka Feejignaadaan.
Waxaa dhanka kale Madasha ka hadlay Bahda Caafimaadka iyo Faaya dhowrka oo soo gudbiyay fariintooda Caafimaad ee ku aadan xiliyada fatahadaha iyo daadadka.
Geba gebadi Kulankaan waxaa soo xiray waliga wilaayada Islaamiga Shabeelada hoose Sheekh cabdi-samad Abuu Cabdiraxmaan asigona Bulshada ka soo qayb gashay kulanka la wadagay Xaalada guud ee fatahadaha ee kajirto wilaayada Shabeelad hoose dhanka kalana waxa uu sheegay in daadka iyo fatahadaha ay ka yimadaan xaga Allaah sidaa aawgeed ay nala gudoon thaay ay Allaah xagiisa aan u laabato
Ugu dambayntii Kulankaan ayaa ku soo dhamaaday sidii loo qorsheeyay waxayna Bulshadii ka soo qayb gashay oo aan waraysanay inoo sheegeen in ay waxbadan ka faa’ideen talooyinka Goobta laga jeediyana ay dhaqan geli doonaan.