Maalinkii 44aad ee Dagaalka Qazza iyo Khasaaraha Yahuudda Oo Kordhay.

Maalinkii 44aad oo xiriir ah, waxaa Jiidda Qazza ka soconaya duqeymaha iyo dagaallada ay wadaan ciidamada Yahuudda ee dhibaateynaya dadka muslimiinta aan waxba galabsan ee halkaas degan.
Duqeymihii ugu dambeeyay uguna khasaaraha badnaa waxay maalintii shalay diyaaradaha Yahuudda ku beegsadeen labo iskuul oo lagu kala magacaabo Al-Faakhuura iyo Tal Az-Zactari, halkaasna waxaa dhimasho iyo dhaawac ku noqday ugu yarana 200 oo ruux.
Waxay sidoo kale diyaaradaha ciidamada Yahuudda saacadihii lasoo dhaafay burburiyeen 4 masaajid oo ku yaala magaalada Jabaaliyah ee bartamaha Jiidda Qazza, wadarta guud masaajidda Yahuudu burburiyeen tan iyo markii ay billaabeen duulaankooda Qazza ayaana gaaraya 76 masjid, halka ay waxyeello gaarsiiyeen 162 masjid.
Dhinac kale isbitaalka Ash-Shifaa ee Jiidda Qazza ayay billaabeen ciidamada Yahuudda iney ka saaraan bukaannada iyo dadkii barakacayaasha ahaa ee halkaas ku sugnaa, kuwaasoo loo soo barakiycay dhanka koonfureed.
Maalintii shalay ayay billaabatay howsha barakicinta, waxaana isbitaalka laga soo saaray boqolaal ruux oo isuga jira bukaanno, barakacayaal iyo caruurta dhiciska ku dhashey ee dhalooyinka caafimaad lagu baxnaaninayay.
Waxaa maanta lagu wadaa in isbitaalka ay gaaraan xubno katirsan waxa loogu yeero hay’adda caafimaadka adduunka, kuwaasoo soo daad gureyn doona bukkaannada iyo xubnaha shaqaalaha caafimaadka katirsan ee ku haray isbitaalka.
Barakicinta bukaannada iyo caruurta yaryar ee xanuunsan ayaa dhaceysa iyadoo adduunka oo idil daawanayo, Maraykanka iyo dowladaha sheegta iney hormuud ka yihiin ilbaxnimada jaahiliga ayaana Yahuudda ku taageersan gabood falkan ay geysanayaan.
Waxaa lasoo warinayaa in weli Jiidda Qazza ay kasii socdaan beegashada ay ciidamada Yahuuddu beegsanayaan isbitaallada iyo xarumaha caafimaadka, isbitaalka Al-Macmadaani oo marti geliyay duqeyntii ugu khasaaraha badneyd oo ay ku shahiidaan 500 ruux ayaa waxaa maanta laga soo sheegayaa in hareerihiisa rasaas culus laga maqlayo.
Dhinac kale, khasaaraha gaaraya ciidamada Yahuudda ayaa sii kordhays marba marka ka dambeysa, iyadoo saraakiisha Yahuudda qirayaan in xaaladdu ku adagtahay ciidankooda jooga Qazza.
Saacadihii lasoo dhaafay waxaa dagaalka Qazza lagu dilay 6 askar iyo saraakiil ka kooban oo Yahuud ah, halka 7 kalena ku dhaawacmeen, kadib markii ay la kulmeen weerar uga yimid kooxaha Muqaawamada.
Maanta oo keliya waxay ciidamada Yahuudda qirteen in dagaallada ka socda Qazza looga dilay ugu yaraan 5 askari.
Tan iyo markii ciidamada Yahuuddu bilaabeen dagaalka lugta ah ee ay kaga jiraan Qazza waxaa inta ay qirteen kaga dhintay 61 askar iyo saraakiil isuga jirta, khubarada ka faalooda arimaha Yahuudda ayaana rumeysan in khasaaruhu uu aad uga badanyahay intaas.
Masuulka qubuuraha ciidamada Yahuudda ee mandiqadda Karyaat Shaa’uul ee dhacda xeyndaabka Qazza ayaa xaqiijiyay in 48 saacadood ee lasoo dhaafay oo keliya ay aaseen meydadka 50 askari, taasoo muujineysa xaddiga khasaaraha maalinle ah ee gaaraya askarta Yahuudda.
Goobaha ay ciidamada Yahuuddu kaga suganyihiin Jiidda Qazza ayaa falanqeeyayaasha caskariga waxay tilmaamayaan ineysan ahayn la wareegitaan buuxa oo rasmi ah, balse keliya yihiin deegaanno dagaal, maadaama saacad weliba ay rasaas ka dheceyso, kooxaha Muqaawamaduna ku dhiig bixinayaan ciidamada Yahuudda.
Gawaarida dagaalka ee ciidamada Yahuudda ayaa noqday kuwa banaan yaal ah oo saacad weliba la gubayo, afhayeenka Cizzudiin Al-Qassaam oo Jimcihii hadlayna wuxuu tilmaamay in afartii maalmood ee ka horeysay Jimcaha ay xaqiijiyeen iney gubeen 62 gawaarida dagaalka ah.
Abuu Cubeyda, afhayeenka CIzzudiin Al-Qassaam wuxuu sheegay in ciidamada Yahuudda ee ka dagaallamaya Qazza aaney ahayn tabar aan ka ahayn iney u xoog sheegtaan dadka bukaannada ah iyo shaqaalaha caafimaadka, isagoona sheegashada in isibtaalka Ash-Shifaa uu yahay talis milliteri oo ay Muqaamawadu leedahay ku tilmaamay wax lagu qoslo oo lagu jees-jeeso.