Dhegeyso: MAQAAL diraya Farriimo muhiim ah oo socda Mucallimiinta Qur,aanka

Maqaalkan kooban waxaa lagu daabacay channel Telegram ah oo lagu magacaabo “ Feydul Khawaadhir wa Qeydu-Nawaadir” waxaana ay ku socotaa macallimiinta wax ka dhiga dugsiyada Quraanka kariimka.

Maqaalka oo lagu lifaaqay warqad cad oo aan waxba ku qorneyn ayaa ku bilaabanaya “ Mucallinka Quraanka dhigow, waxaa laga yaabaa in warqadan ay kula noqoto mid iska cad oo keliya, laakiin xaqiiqadu waxay tahay waa sida ay noqon doonto waradaada maalinta Qiyaamaha, marka howshaada barista Quraanka kariimka ay ka marnaato ixtisaab, oo ay kula noqoto iney tahay oo keliya shaqo aad biilkaaga ka dhacsato, oo aad ka hesho mushaar bille ah.

Macallinka Quraanka dhigow, howshaadu maahan mid sahlan, shaqadaaduna maahan oo keliya howl la qabto, mana lamid tihid dadka kale ee shaqaalaha ah, maxaa yeelay qalbiga aanu ku jirin wax Quraan ah waxa uu la mid yahay guri burbrusan, marka maku fakartay howshan markuu Allaah kuu doortay, oo uu ku waafajiyay, kaana dhigay mid quluubta dadka ku camira Quraanka, kuna qurxiyo hadalka Allaah Subxanahu watacaalaa.

Macallinka Quraanka dhigow, ma tihid qof fudud, haddii wadada oo laga leexiyo dhibaatada ay tahay sadaqo kamid ah qeybaha Iimaanka, bal kawaran adigan jahliga, mugdiga iyo baadinimada ka leexinaya nolosha aadanaha, oo baraya kitaabka Allaah oo ah halka laga helo kheyr weliba, barako kasta iyo sarreyn nooc weliba ah.

Macallinka Quraanka dadka barrow, waa lama huraan inaad dib u eegis ku sameyso qaab fakarkaaga, bal suureyso halkaad ku dambeyn doonto 50 sano ama 60 sano kadib, marka lagugu rogo carada oo lagu aaso, maka mid ahaan doontaa dadka Quraanka aad cimrigaaga ku bixisay uu xujjada u noqonayo, oo uu raalli ahaansahaha Allaah u hogaaminayo, ama waxaad ka mid noqon doontaa kuwa uu xujjada ku noqon doono uu uu u kaxeyn doono Naarta, Wal Ciyaadu-billaahi.

Mucallinka Quraanka dhigow, waa liibaan wayn maalinka saaxiibkaaga macallinka ah, isagoo xiran taaj nuur ah lagu oran doono “ Quraanka akhri, oo kala dhig dhig, sida aad aduunyaduba ugu kala dhig dhigi jirtey, Jannadana kor ugu soco, darajadaada waxay ku egtahay aayadda ugu dambeysa ee aad ku joojiso” marka adigu ma isku diyaarisay maalinkaas, mise weli waxaad isku aragtaa inaad tahay shaqaale hammigiisa ugu weyn uu yahay lacagta uu qaato dhamaadka bisha?!

Walaalkeyga Mucallinka ahow, kani waa Quraan, ku qoran kitaab Sharaf badan, oo aaney ku dhex jirin wax baadil ah, Allaah Cazza wajallana uu soo dejiyay.

Farriin ku socota Macallimiinta:

Inaad hanato oo aad gaarto qalbiga ardeyga ayaa ka muhiimsan inaad gaarto caqligiisa, ardeyga ku jecel ayaa ka faham fiican, kana wax qaad wanaagsan ardeyga aan ku jecleyn, marka laga hadlayo howsha Tarbiyada iyo wax barista.

Alle ayaan kugu dhaariyee ii sheeg, bal natiijada aad ka sugeyso ardeyga aragtidaadaba neceb? Ardeyga adiguna aad lacnaddo, isagana ku habaara, ardeyga markaad ka hor timaado niyadda iska oranaya, Allow dhinac iga mari macallinka, ardeyga Alle kaa magan gala adiga, madarasada iyo xalaqaaka Quraanka, adigana aadan ku qanaceyn howsha aad heyso, oo aad mar weliba is leedahay “ Allow howshan iga dhex bixi, mar dambe kumaba soo laaban doone”.

Si kooban, ardeygu da’ weliba ha jiree waa inuu ku jeclaado, adiguna wado weliba oo aad jacaylkiisa ku hanan karto sameey, markaas wixii ka dambeeya haddii aad barto wax weliba, may ahaato xitaa luuqadaha Ya’juuj iyo Ma’juuj waxaad arki doontaa inuu si fudud oo dhaqsi ah ku xifdiyo, xitaa haddii aad ka dalbato indhihiisa midood waxaad arki doontaa inuu kusiiyo, hadaad wax fartana waxaad arki doontaa inuu si fudud kuu adeeco, xilligaas ayayna howsha waxbarista iyo tarbiyada noqon doontaa mid fudud, oo qurux badan, aadna u wanaagsan, Wallaahul Mustacaan.

Maqaalkan ku qornaa luuqadda carabiga waxaa lagu daabacay Channel telegram oo lagu magacaabo “ Feydul Khawaadhir wa Qeydu-Nawaadir” anaguna waxaan usoo tarjumnay si ay fariimaha ku jira uga faa’ideystaan macallimiinta dugsiyada Quraanka iyo macaahidda sharciga oo laf dhabar u ah bulshada Islaamiga ah.

Halkan ka dhegeyso Maqaal_Farriimo_ku_socda_Macallimiinta_Dugsiyada_Quraanka_Kariimka

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.