Maxaa Ka Jira In Isbitaalka Ash-Shifaa uu Yahay Talis Milliteri. [Warbixin]

Maalinkii 41aad oo xiriir ah ayuu galay dagaalka ka soconaya Jiidda Qazza, ee dhexmaraya Yahuudda iyo muslimiinta Filastiin, waxaana marba marka ka dambeysa sii kordhaya tirada shuhadada iyo dhinac kale khasaaraha gaaraya askarta Yahuudda ee ku sugan gudaha marinka Qazza.

Isbitaalka Ash-Shifaa ee marinka Qazza oo ay maalinkii shalay xoog ku galeen ciidamada Yahuudda, dad muslimiin ahna ka afduubteen ayaa lasoo warinayaa in mar labaad ay maanta xoog ku galeen ciidamada Yahuudda, iyagoo kasoo galay jihada koonfureed ee isbitaalka oo ah mid aad u weyn.

Xilli ay masuuliyiinta maamulka Yahuudda sheeganayeen in isbitaalka uu yahay taliska kooxaha Muqaawamada Filastiin ayay ku fashilmeen in illaa iyo hadda ay soo bandhigaan cadeymo arinkaasi muujinaya.

Afhayeenka ciidamada Yahuudda ayaa isku dayay in isbitaalka uu u sawiro inuu yahay goob muhiim u ahayd Kooxaha Muqaamawada, isagoo soo bandhigay dhowr qori AK ah oo uu tilmaamayo iney kasoo saareen isbitaalka, arinkaas oo noqday mid lagu maadeysto, aadna loola yaabo.

Warbaahinta caalamka iyo ra’yu caamka guud ayaa ka hor yimid sheegashada ciidamada Yahuudda, iyagoona tilmaamay inaaney wax isqaadn karo ahayn in isbitaalka Ash-Shifaa lagu tilmaamo inuu ahaa talis milliteri oo weyn iyo in laga soo bixiyo dhowr qori, iyadoo weliba shakki xoog leh laga muujinayo in hubkaas laga soo heley isbitaalka, oo ay dad badani rumeysanyihiin in ciidamada Yahuuda ay halkaas geeyeen si muuqaallo looga soo duubo.

Inkastoo dowladaha caalamka intooda badan ay sheegeen iney kasoo horjeedaan in ciidamada Yhauudda ay xoog ku galaan isbitaalka Ash-Shifaa, hadana dowladda Maraykanka ayaa qareen difaac u noqotay Yahuudda.

Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa shir jaraa’id oo uu la qabtay dhigiisa dalka Shiinaha oo booqasho ku jooga Washington, wuxuu sheegay in Kooxaha Muqaamawada Filastiin ay dembiyo dagaal galeen, markii xarumahooda milliteriga ay ku qariyeen isbitaallada ku yaala Qazza, sida uu hadalka u dhigay.

Wuxuu intaa ku daray Biden, isagoo difaacaya tallaabada ciidamada Yahuudda ku galeen isbitaalka Ash-Shifaa, in ciidamada isbitaalka ay galay ay ahaayeen kuwa aad u yar.

Dhinac kale duqeymaha ciidamada Yahuudda ay ka geysanayaan Jiidda Qazza ayaa halkooda kasii socda, waxaana ay si isku mid ah uga socdaan wuqooyiga iyo koonfurta Qazza, oo ay saraakiisha Yahuuddu horaan sheegayeen in koonfurta ay tahay aamin, dadkana ay halkaasi u barakacaan.

Saacadihii lasoo dhaafay ciidamada Yahuudda waxay duqeyn ku garaaceen labo masjid oo ku yaala magaalada Khaanyoonis, halkaas oo hooy u ahaa dad muslimiin ah oo kasoo barakacay wuqooyiga Qazza.

Waxay sidoo kale ciidamada Yahuudda duqeeyeen xarun shidaalka lagu iibin jirey, balse hadda hooy iyo guri u ahayd dadka muslimiinta ee guryahooda kasoo barakacay, halkaasna waxaa ku shahiiday ugu yaraan 9 ruux, sida ay warbaahintu soo tabineyso.

Dhinac kale, waxaa halkooda kasii socda dagaallada adag ee Jiidda Qazza ku dhexmaraya Kooxaha Muqaawada iyo ciidamada Yahuudda, waxaana marba marka kasii dambeysa sii kordhaya khasaaraha Yahuudda ee maaddi iyo midka nafeed intuba.

Saacadihii lasoo dhaafay waxay ciidamada Yahuudda qirteen in labo sarkaal looga dilay dagaalka ka socda Qaza, halka labo kalena looga dhaawacay, taasoo tirade ay Yahuuddu qirteen intii ay gudaha usoo galeen Qazza ka dhigeysa dhimashada 51 oo saraakiil waaweyn ay kamid yihiin.

Cizzudiin Al-Qassaam waxay dhankeeda war ay soo saartay ku sheegtay in waaberigii hore ee maanta oo Khamiis ah ay burburisay ugu yaraan 11 kamid ah gawaarida dagaalka ee ciidamada Yahuudda, halka ay qarax miino la beegstay ciidamo lugeynayay, kuwaasoo noqday dhimasho iyo dhaawac.

Waxay sidoo kale kooxaha Muqaawamada ee Cizzudiin AL-Qassaam, Saraayal Qudus iyo guutooyinka An-naasir Salaaxudiin saacadihii lasoo dhaafay fuliyeen silsilado weeraro ah oo lagu beegsaday askarta Yahuudda.

Caqabado xoogan ayaa soo wajahaya ciidamada Yahuudda ee ka dagaallamaya Qazza, kudhawaad 20 maalmood kadibna ma muuqato wax kamid ah ahdaaftii ay usoo duuleen oo ay xaqiijiyaan, kuwaasoo kala ahaa soo furashada maxaabiista laga heysto iyo burburinta kooxaha Muqaamawada.

Marka laga sootago dagaallada adag ee ay wajahayaan ciidamada Yahuudda, waxaa jira caqabado horleh oo kusoo furmey kuwaasoo aaney lasii wadi karin dagaalka, waxaana kamid ah culeesyadas soo wajahay roobab xoogan oo ka billowday Qazza.

Roobabka ayaa hakinaya isku socodka gawaarida noocyadooda kala duwan, waxaana dhinac kale uu roobku faaiido u yahay muslimiinta Qazza ee ay Yahuuddu ka  jareen biyaha iyo korontada todobaadyadii aynu soo dhaafnay.

Halkan ka dhagayso Warbixin maalinkii 41aad ee Dagaalka Qazza

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.