Maxaa Kajira Heshiiska Xabad Joojinta ee Dhexmaraya Muqaawamada iyo Yahuudda.

Maalinkii 46aad oo xiriir ah waxaa Jiidda Qazza ka soconaya duqeymaha iyo dagaallada ay wadaan ciidamada Yahuudda, kuwaasoo weli si bareer ah u beegsanaya dadka muslimiinta ah ee aan waxba galabsan.
Saacadihii lasoo dhaafay, ciidamada Yahuudda waxay duqeeyeen xaafado iyo goobo ay dad shacab ah deganyihiin, kuwaasoo ay ku shahiideen dad Filastiiniyiin ah.
Meelaha ay ciidamada Yahuudda duqeeyeen waxaa kamid ah labo guri oo ku taalla mukhayamka An-nasiiraat ee bartamaha Qazza iyo iskuul ku yaala mukhayamka Jabaaliyah.
Inta haatan la xaqiijiyay waxaa duqeymahaasi ku shahiiday ugu yaraan 20 ruux oo Filastiiniyiin ah, dhianc kale ciidamada Yahuudda waxay weli wadaan beegsiga isbitaallada caafimaadka, taasoo sii kordhineysa tirada shuhadada.
Isbitaalka Indonesia ee Jiidda Qazza ayaa weli wajahaya go’doomin iyo beegsasho bareer ah oo uga imaaneysa ciidamada Yahuudda, taasina waxay keentay in bukaanno badan laga daad gureeyo isbitaalka, oo la geeyo isbitaalka Naasir oo aaney soo gaarin ciidamada Yahuudda.
Sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee maamulka Qazza, waxaa weli isbitaalka Indonesia ku jira 400 oo qof oo dhaawac ah, 2000 oo barakacayaal ah, iyo 200 oo qof oo isuga jira dhakhaatiir iyo shaqaalaha caafimaadka.
Dhianc kale dagaalalda ka socda Jiidda Qazza ee dhexmaraya Kooxaha Muqaawamada iyo askarta Yahuudda ayaa halkooda kasii socda, waxaana sii kordhaya marba marka ka dambeysa khasaaraha Yahuudda.
Kooxaha Muqaawamada garabyadooda kala duwan ayaa qaadaya silsilado weeraro ah oo beegsanaya ciidamada Yahuudda, kuwaasoo meter weliba oo ay dhaqaaqaan wajahaya xaalad aan la mahdin.
Abuu Cubeyda oo ah afhayeenka Cizzudiin Al-Qassaam oo jeediyay kalimad habeenkii xalay oo uu dagaalku marayay maalinkiisa 45aad, wuxuu kaga hadlay in weli ciidankooda ay wadaan howlgallada ay ku dhiig bixinayaan ciidamada Yahuudda.
Ugu horeyn wuxuu Abuu Cubeyda salaam u direy shacabka reer Filastiin ee dhabar adeyga sameynaya, isagoona sheegay in adkeysigooda ay wax badani ka baran doonto Umadda. Cod 01
Wuxuu sheegay Abu Cubeyda in saddexdii maalmood ee lasoo dhaafay ay ku guuleysteen iney burburiyaan ama waxyeello adag gaarsiiyaan ugu yaran 60 gaari oo kamid ah gawaarida ciidamada Yahuudda, kuwaasoo ay kamid yihiin 10 gaari oo noocyada ciidamada xambaara ah. Cod 02
Mid kamdi ah howlgalladii ugu waweynaa ee ay fuliyeen todobaadkan wuxuu ahaa howlgal ka dhacay mandiqadda Al-Tawaam maalintii Sabtida, kaasoo uu sheegay afahayeenka u hadlay Muqaawamada iney ku beegsadeen ciidamo Yahuud ah, saddex askarina ay goobta ku hubsadeen dilkooda, markii dambena ay Muqaawamadu kamiin u dhigtay ciidan gurmad ah.
Abuu Cubeyda wuxuu tilmaamay in howlgalladii ugu dambeeyay ee ay fuliyeen diyaaradaha Yahuuddu duqeeyeen ciidankooda, iyagoo uga shakiyay inay noqdeen maxaabiis dagaal oo u gacan galay kooxaha Muqaawamada.
Ugu dambeyntii, waxaa aad usii xoogeysanaya hadal heyn la xiriirta inay suurogal tahay in saacadaha soo socda ay heshiis xabad joojin ah gaaraan Yahuudda iyo Muqaawamada Filastiin.
Heshiiskan ayaa la sheegayaa inuu suurogelin doono in labada dhinac ay is dhaafsadaan maxaabiis dagaal, halka Qazza ay ka hirgeli doonto xabad joojin soconeysa 4 maalmood illaa 5 maalmood.
Warbaahinta Yahuudda ayaa sheegay in Natanyahu uu ogolaaday heshiiska maxaabiis is dhaafsiga ah, taasoo ka dhgan in awooddii ay is badayeen ee ah iney xoog kusoo furanayaan maxaabiista ay fashilantay, kuna qasbanaadeen in wadahadal iyo maxaabiis isdhaafsi ay ogolaadaan.
Dowladda Qadar oo garwadeyn ka ahyad wada xaajoodyadan ayaa dhankeeda sheegtay iney rajo ka qabaan in dhawaan la gaaro heshiis rasmi ah, Maraykanka dhankiisana wuxuu tilmaamay iney rajo ka qabaan xabad joojin deg deg ah.
Kooxaha Muqaawamada waxay dhankooda sheegeen iney ogolaaden heshiis maxaabiis isweydaarsi ah iyo xabad joojin, Ismaaciil Haniyah oo la hadlay wakaaladda wararka ee Reuters ayaana arinkaasi xaqiijiyay.