Maxay Ka tiri Al-Qaacida Beegsiga Yahuudda ee Isbitaallada Gaza.

Mu’assasada As-Saxaab ee ku hadasha afka Mujaahidiinta Al-Qaacida ayaa baahisay bayaan kasoo baxay hogaanka saree e Mujaahidiinta, kaasoo looga hadlayo beegsiga indho la’aanta ah ee Yahuuddu u geysanayaan isbitaallada Jiidda Qazza.

Qeybaha hore ee bayaanka waxaa bogaadin iyo tahniyad loogu direy shuhadada muslimiinta ee ku baxay dagaalka iyo duqeymaha weli kasii socda Jiidda Qazza, waxaana Allaah loo weydiiyay inuu shahaadadooda ka aqbalo.

“ Walaalaha aan diinta ku walaalownay iyo ehelkeena jooga Filastiin, waxaan idin leenahay Salaamullaahi caleykum, idinka iyo shuhadadiina baariyaasha ee akhyaarta ah, waxaan salaam u direynaa muraabid kasta oo diiday inuu ka cararo dhulka Iimaanka iyo ciida muqadaska ah, waxaan salaam u direynaa kuwa sugan ee saabiriinta ah, iyo dhamaan Mujaahidiinta iyo muraabidiinta.

Alle ha weyneeyo ajarkiina iyo ajarkeena aan ka heleyno istish-haadka kumanaan naf oo mu’miniin ah, ee isuga jira ragga iyo haweenka walaalaheena ah iyo caruurta, kuwaasoo ku shahiiday duqeymaha isbaheysiga Sahyuu Saliibiyadda uu ku garaacayo isbitaallada, masaajidda iyo Jaamacadaha Qazza, waxaana u ixtisaabsaneynaa iney Allaah agtii ka yihiin shuhado, Allaahna waxaan weydiisaneynaa in ehellada shuhadada uu ku ilhaamiyo iney ku sabraan waxa uu Allaha qadaray” ayaa lagu yiri qeybaha hore bayaanka ay baahisay mu’assasada warbaahineed ee As-Saxaab.

“ Umadeena qaaliga ah, beegsashada Ameerikaanka iyo Yahuuddu ay beegsanayaan goobaha ay dadka shacabka ah ku suganyihiin sida Masaajidda, iskuullada, suuqyada iyo isbitaallada, waa ficillo ay ku dhaqaaqaan oo keliya dadka xiqdiga iyo xasadku saldhigtay, ee ku barbaaray waxshiyadda Towraatka munxarifka ah, waxaan oo kale kama suuroobaan qof wax un banii aadamnimo ah leh, marka loo fiirsho masiirada dagaaleed ee Islaamka laga soo billaabo waagii ay soo degtay aayadda Seyfta illaa iyo maantana ma geysan waxshiyadan oo kale, xitaa qazawaatka September iyo Duufaanta Al-Aqsaa ee ay hadal hayaan Sahyuu Saliibiyiinta, waxaan ku taxadineynaa caalamka iney keenaan dhowr sawir oo dhab ah oo muujinaya caruur qaabkan loo dilay” ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay hogaanka saree e Al-Qaacida.

“ Kadib xasuuq wadareedyadan foolxumada badan ee lagula kacay muslimiinta, majiri doono qof jooga dunidan oo umadeena ugu muxaadareyn doono ilbaxnimada iyo insaaniyadda, dagaallada soo socda ee aan la geli doono isbaheysiga Sahyuu Saliibiyadda, umadeenu ma dhowri doonto wax kamid ah xeerarka Qaramada Midoobay iyo xuquuq ku sheegooda aadanaha, dhiiguna wuxuu dhali doonaa dhiig oo keliya, qofkii ku jawaaba in lamid ah wixii loo geystana xadgudub maanu sameynin”.

Halkan ka dhagayso Bayaan As-Saxaab- beegsashada Isbitaallada Qazza

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.