Natanyahu Oo Fadeexad Siyaasadeed oo Horleh Dhex taagan. [Dhagayso Taqriir]

Wargeyska Ha’arts ee kasoo baxa maamulka Yahuudda ayaa daabacay warbixin uu kaga hadlayo natiijada kasoo baxday baaritaan ay ku sameeyeen booliiska Yahuudda wixii qabsaday xaflad music oo ay dhiganayeen kooxo Yahuud ah waaberigii 07-dii Octobar oo ku aadan maalinkii uu billowday howlgalka Duufaanta Al-Aqsaa.

Inkabadan 40 maalmood kadib oo ay masuuliyiinta Yahuudda iyo kuwa reer galbeedka ku celcelinayeen in kooxaha Muqaawamada Filastiin ay gumaad ka geysteen 07-dii Octobar goob ay xaflad ka socotay, wuxuu booliiska Yahuuddu heley xaqiiqooyin tilmaamaya wax ka duwan arinkaas.

Natiijo horudhac ah oo uu gaaray baaritaanka ay wadeen booliiska Yahuudda ayaa lagu ogaaday in diyaarad milliteri oo ay leeyihiin ciidamada Yahuudda ay dhowr gantaal la dhacday goobta ay xafladdu ka socotay oo ku taalla mustowdhanada Riiciim ee xeyndaabka Qazza.

Ciidamada Yahuudda ayaa boqolaalka qof ee ay ku beegsadeen xafladda u maleynayay iney yihiin dagaalyahanno katirsan Cizzudiin Al-Qassaam ama ugu yaraan iney isku dhex jiraan kooxaha Muqaawamada iyo dadka Yahuudda.

Diyaaradda duqeysya goobta ay xafladdu ka socotay ayaa ayaa kasoo duushey saldhiga Ramaat Daqiid, iyadoo beegstay dagaalyahanno katirsan Muqaawamada iyo sdioo kale dadkii Yahuudda ahaa ee xafladda ka qeybgalayay, halkaasna waxay ku dishey ugu yaraan 364 Yahuud ah, sida lagu ogaaday baaritaanka ay sameeyeen booliiska Yahuudda.

Waxaa xafladda ay duqeysay diyaaradan ay leeyihiin ciidamada Yahuudda ku sugnaa ugu yaraan 4000 oo qof, kuwaasoo ay kamid ahaayeen dad ka yimid wadamada Yurub.

Sida  xogaha la helayo ay tilmaamayaan, kooxaha Muqaawamadu laftooda kama warheynin in halkaas ay xaflad ka socoto, laakiin guutooyinka adeegsanayay dalaayadaha ayaa arkay dad aad u badan oo kala cararaya, taasina waxay keentay in ciidanka Muqaawamada ay ka war doonaan waxa halkaas ka socda.

Maadaama buutka lagula tuntey guutada Qazza ee ciidamada Yahuudda, islamarkaanau aanu jirin wax xiriir ah oo kala dhexeeya taliska dhexe ee ciidamada Yahuudda, waxay saraakiisha Yahuuddu heleen xog ah in inbadan oo kamid ah ka qeybgalayaasha xafladda ay noqdeen maxaabiis dagaal.

Sida muuqatana, waxay ciidamada Yahuuddu intii ay dadkaasi noqon lahaayeen maxaabiis dagaal ay ka door bideen iney gacantooda ku laayaan, iyagoo arinkaasi markii dambe ka dhigtay marmarsiyo ay ku xasuuqaan muslimiinta Qazza.

Wargeyska Yadiicoot Axranatoot ee ay Yahuuddu leeyihiin, wuxuu isaguna daabacay in aroornimadii 07 Octobar ay boolisku kusoo dheceen 24 codsi oo dhamaantooda dalbanaya in gurmad loo soo sameeyo, maadaama ay wajahayana weerar lama filaan ah oo ay soo qaadeen kooxaha Muqaawamada.

Waxyar kadib, waxaa goobta soo gaaray sida wargeyskan sheegayo cidamada booliiska, goobtana waxaa ka dhacay dagaal qaraar oo dhexmaraya kooxaha Muqaawamada iyo askarta Yahuudda.

Xafladda oo ay kasoo qeybgaleen 4400 oo ruux ayaa waxaa goobta ku dhintay 364 qof, halka la afduubtay ugu yaraan 40 ruux, booliiska Yahuudda ayaana qirtey in goobta looga dilay 15 askari.

Wariyaha milliteriga ee wargeyska Yadiicoot Axrnoot ayaa 15kii Octbar wuxuu baahiyay warbixin uu kaga sheekeynayo sida ay ciiidamada Yahuudda isugu dhex yaaceen, oo ay u kala saari waayeen kooxaha Muqaawamada iyo dadka Yahuudda ah ee la heysto, maadaama ay wax xiriir ah ka heli waayeen guutada Qazza.

Diyaarado dagaal oo kasoo kicitamay Naqabta galbeed ayaa labo saacadood kadib markii uu weerarku socday soo gaaray goobta dagaalka,  kuwaasoo kala saari waayay cida Filastiini ah iyo cida Yahuudi ah.

Taliyihii ciidamada cirka ayaa amar ku bixiyay in diyaaradaha ay xooga saaraan sidii ay uga hortagi lahaayeen in dagaalyahanno hubeysan ay kasoo gudbaan marinka kala qeybiya Qazza iyo deegaannada xooga lagu dejiyay Yahuudda.

28 diyaaradood oo isuga jira noocyada diyaaradaha sida hellicoptrada ayaa maalin dhan ka dagaallamayay xeyndaabka Qazza, diiyaaraddii rasaasta iyo sawaariikhdu ka dhamaadaanna waxay ku laabaeneysay saldhiga An-Naqab, halkaas oo ay iska soo hubeyneysya, tani waxay muujineysaa in ciidanka Muqaaawada ay buutak kula tunteen kumanaankii askari ee halkas joogay, oo ay noqdeen wax dhinta, wax la qafaasho iyo wax cagaha wax ka daya.

Maadaama dagaalyahannada soo qaaday weerarka ay badnaayeen, hub kala duwanna ay adeegsanayeen, waxay markii dambe diyaaradaha Yahuuddu joojiyeen beegsashadii indho la’aanta ahayd, sida uu sheegayo wariyaha Yahuudiga ah, iaygoo isku dayay iney fuliyaan duqeymo sugan oo waxyeello gaarsiin kara kooxaha Muqaawamada.

Wuxuu intaa ku darayaa wariyaha ka shaqeeya wargeyska Yadiicoot Axranoot in kooxaha Muqaawamada ee weerarka soo qaaday ay xeelad iyo dhagar u adeegsadeen diyaaradaha Yahuudda, taasoo ah in haddii ay duqeymo la kulmaan aaney ka dhaqaaqin goobta ay ku suganyihiin, si duuliyayaasha diyaaradaha ay marka dambe ugu maleeyaan iney Yahuud yihiin, oo aaney u beegsanin.

Xeeladan ayaa u hirgashey saacado iyo maalmo badan, waxaana markii dambe duuliyayaasha iyagoo aan fasaxba ka heysanin madaxdooda, waa sida uu hadlaka u dhigayo wariyahane  sameeyeen booliiska Yahuudda,  ay billaabeen iney si indho la’aan ah u beegsadaan meel weliba oo ay uga shakiyaan iney ku suganyihiin kooxaha Muqaawamada.

Tani waxay xoojineysaa shakiga ay qabaan dad badan oo Yahuud ah oo ah in qaar kamid ah dadkooda ay ku dhinteen rasaasta iyo gantaallada ciidamada Yahuudda, haddii aaney taasi jiri lahaynna ay suurogal ahaan lahayd in khasaaraha gaaray uu yaraado.

Tafaasil kuwan lamid ah waxaa bixiyay isagana wariyaha webisteka Waala ee Yahuuddu leeyihiin, kaasoo tilmaamay in labo diyaaradood ay kasoo duuleen saldhig ku yaala Xeyfaa, halka mid sadexaadna ay kasoo duushey saldhiga Raamoon, iyadoo uu la socday taliye katirsan ciidamada cirka, kaasoo amray in la beegsado deegaannada furan, si looga hortago in kooxaha Muqaawamada ay usoo gudbaan deegaannada xeyndaabka Qazza.

Mustawdhanada Naaxaal Cooz ayuu sheegayaa wariyahan iney marti gelisay duqeymo xoogan oo ay fuliyeen diyaaradaha Yahuudda, kadib markii ay halkaas kasoo gudbeen dagaalyahanno iyo Filastiiniyiin badan, illaa duhurnimadii maalinkii koowaad ee howlgalkana waxaa halkan ka dhacayay duqeymo culus.

Saacadihii ugu dambeyay waxay warbaahinta caalamka ay hadal hayeen natiijada kasoo baxday baaritaanka booliiska Yahuudda, kasoo cadeeyay in boqolaal dad ah oo ay reer galbeed kamid yihiin ku dhinteen gantaallada iyo rasaasta ciidamada Yahuudda.

Waxay tani muujineysaa sida ay isugu dhec yaaceen ciidanka Yahuudda 07dii Ocotbar, oo ay saraakiishoodana u awoodi waayeen iney kala hagaan askarta, waana daliil horleh oo daaha ka feydaya habacsanaanta ciidanka Yahuudda iyo inuu lamid yahay guri caaro caaro, waxba kama jiraanna ay tahay mataahaatkii sanado badan lagu hadaaqayya ee ah inuu yahay ciidanka aan la jebin, sirdoonka Mosadna yahay mid og wax weliba oo ka jira dunida.

Waxay khubaro badan aaminsanyihiin in natiijada baaritaanka booliiska Yahuudda oo ah mid horudhac ah, maalmaha soo socdana la filan karo in iyadoo dhaemystiran lasoo saaro ay weji gabax ku tahay ra’iisul wasaraha Yahuudda Natanyahu, mustaqbalkiisa siyaasadeedna uu mugdi badani ku jiro.

Natanyahu ayaa doonaya in fashilkii gaaray Sabtidii madoobeyd, sidaba Yahuuddu ku magacaabaan uu ku qariyo leynta iyo gumaadka muslimiinta Qazza, isagoo doonaya xaqiijinta guul ku sheeg aan wax kajirin, heer ay tabartu la gaartey in maalinba malainta xigta beegsado isbitaallada Qazza, isagoo ku andacoonaya iney hoos deganyihiin saraakiisha kooxaha Muqaawamada Filastiin, waana arin uu cadeyn kari waayay, markii ay ciidankiisu bukaan qalatada ah gudaha u galeen isbitaalka Ash-Shifaa, kuna guuldareysteen iney soo wax bandhigaan wax un cadeyn ah oo muujinaya in isbitaalku ahaa xarun ciidan.

Halkan ka dhagayso Warbixin_Natiijada_baaritaanka_Booliiska_Yahuudda_ee_dhacdadii_07 October

 

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.