Suuqa Magaalada Wajeer oo Gubtay.
Dab xooggan ayaa ka kaxay suuqa magaalada Wajeer dhulka Soomaaliyeed ee ay Kenya xoogga ku heysato.
Dabkan oo aan la ogeyn waxa u sababta ah iyo sida uu ku billowday ayaa baabi’iyay hanti malaayiin doolar ah oo ay lahaayeen ganacsatada.
Waxay ganacsatadu maamulka ku eedeeyeen inuusan wax gurmad ah usoo sameyn, magaalada intaas la egna aanu oollin wax Dabdamis ah.
Qaar kamid ah dadka ku hantida beelay dabka habeen hore ka kacay Suuqa Wajeer ayaa sheegay in arrintan ay saameyn ku yeelanayso nolosha bulshada, waxay xuseen in markii hore ay dadka baadiyaha dagan ay ahaayeen kuwa ay abaaruhu hantidoodii ka baabi’iyeen, baladkii ay ku tiirsanaayeenna uu sidan u ciirtoobay.