Xabaal Qode Yahuudi Ah: 50 Askari Ayaan Aasnay 48 Saac Gudahood.
Yahuuda ayaa gaaray heer sidii horey looga bartay oo kale ay qarin waayaan khasaaraha lixaadka leh ee ku gaaraya hawlgalka duufaanta Al-aqsaa ee ka socda dhulka barakaysan.
Mas’uul qaabilsan aasidda ciidanka Yahuuda ee dagaalada ku le’anaya ayaa warbaahinta Yahuuda iyo kuwa kale u sheegay in ay badanayaan askarta dagaalka looga dilayo.
Wuxuu soo qaatay tusaale uu ku muujinayo heerka uu gaarsiisan yahay dhiigbaxooda, wuxuuna sheegay in ay aaseen meydadka 50 askari 48dii saac ee lasoo dhaafay.
Xogtan ayaa la yaab ku noqotay shacabka Yahuuda oo inta badan laga qarinayay khasaaraha ciidankooda, iyadoo kooxaha xabaal diyaarintu sheegeen in saacaddii ama saacaddii iyo barkiiba la aaso askari Yahuudi ah.