wararka

Author Archives: Axmad

Dhagayso Dhuuxa Waraysiyada.

Barnaamijka Dhuuxa Waraysiyada waa barnaamij habeen weliba marka laga reebo  Sabtida ka baxa idaacadda Al-Furqaan, laguna soo gudbiyo waraysiyo iyo warbixinno muhiim ah. Halkan ka dhagayso Barnaamijka Dhuuxa  Waraysiyada 17-04-2019   Read More »

Taliyaha Sirdoonka Galmudug Oo Muqdisho Lagu Weeraray.

Qarax xoogan ayaa magaalada Muqdisho waxaa lagula eegtay taliyaha Sirdoonka maamulka Galmudug, ninka lagu magacaabo Cabdi-dheere. Qaraxa ayaa dhacay xilli uu Taliyuhu marayay wadada Makka Al-mukarrama ee ay inta badan isticmaalaan saraakiisha dowladda, Shisheeyaha iyo kuwa maamul goboleedyada. Cabdi dheere ayaa si dirqi ah kaga badbaaday qaraxa lagu doonayay in lagu dilo, waxaana gebi ahaanba gubtay gaarigii uu watay. Waa ... Read More »

Howlgal Qorsheysan khasaarena dhaliyay Oo Baydhbo ka dhacay.

Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa ku waramaya in magaalada uu ka dhacay howlgal qorsheysan oo lagu dilay askar katirsan ciidamada xabashida Itoobiya iyo kuwa maamulka Koonfur-galbeed. Ciidamo katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa mid kamid ah xaafadaha Baydhabo ku toogtay askari katirsan kuwa maamulka Koonfur-galbeed, waxaana ay ka qaateen qorigii uu watay. Intaas kadib waxaa ciidamo ... Read More »

Qarax xoogan oo ka dhacay magaalada Muqdisho.

Fiidnimadii caawa waxaa jugta qarax weyn oo laga maqlay qeybo badan oo katirsan magaalada Muqdisho uu ka dhacay isgoyska Ex control Balcad ee degmada Huriwaa. Qaraxa waxaa lala helay gaari nooca xamuulka ah oo ay saarnaayeen askar katirsan ciidamada Shisheeyaha, waxaana gaaray burbur xoog leh. Goobjoogayaal ayaa Warbaahinta u sheegay in askartii shisheeyaha ee ka badbaaday qaraxa ay rasaas fureen, ... Read More »

Inkabadan 10 Askari Kenyati ah Oo lagu dilay Jubbooyinka.

Qarax xoogan ayaa ciidamada Kenyaatiga lagula eegtay qeybo kamid ah gobolka Jubbada hoose ee koonfurta Soomaaliya, kaas oo gaarsiiyay waxyeello xoogan. Waxa uu ka dhacay qaraxa dhinaca xeebta gaar ahaan inta isku xirta Jaziiradaha Raas-kambooni iyo Buur-gaabo,oo kawada tirsan gobolka Jubbada hoose. Inta la xaqiijiyay 15 askari Kenyaati ah ayaa la xaqiijiyay iney ku dhinteen qaraxa, halka ay sidoo kale ... Read More »

Saraakiil katirsan Uganda oo Xabsiga la dhigay.

Maxkamadda la dagaalanka musuq maasuqa ee dowladda Uganda ayaa riday xukunno kala duwan oo lagu qaaday saraakiil sar sare oo katirsan dowladda, kuwaas oo lagu helay kiisas wax isdaba marin iyo musuq maasuq hanti dowladeed. Kulan ay isugu yimaadeen garsoorayaasha maxkamadda oo maalintii shalay ka dhacay magaalada Kampla ee caasimadda Uganda ayaa laga soo saaray xukun ah in xabsiga la ... Read More »

Kaniisad caan ah oo ku gubtay magaalada Paris.

Dab xoogan ayaa qabsaday taallo iyo kaniisad ku taalla bartamaha magaalada caasimadda u ah Faransiiska ee Paris. Waxaa gebi ahaanba burburay taallada iyo kaniisadda Notre-dame ee bartamaha magaalada Paaris, kadib marki uu qabsaday dab xoogan. Sawirro lagu baahiyay Internetka ayaa muujinaya dabka oo kusii fidaya kaniisadda, iyo kooxaha dab damiska oo isku dayaya iney ka hortagaan inuu dabka faafo. Kaniisadda ... Read More »

Ciidamada dowladda Oo lagu weeraray magaalada Muqdisho.

Qarax xoogan ayaa lagu weeraray askar katirsan ciidamada dowladda federaalka oo ku sugnaa qeybo kamid ah degmada Hodan ee magaalada Muqdisho. Qaraxa waxaa lala eegtay tiro ciidamo ah oo katirsan dowladda, kuwaas oo ku sugnaa bar ay ku qayilaan oo ku taalla xaafadda Shiirkoole ee degmada Hodan. Khasaare isuga jira dhimasho iyo dhaawac ayaa loo badinayaa inuu gaaray askarta dowladda, ... Read More »