wararka

Author Archives: Axmad

Xaalad kacsanaan ah oo ka taagan dalka Suudaan.

Magaalada Al-khardhuum ee caasimadda dalka Suudaan waxaa ka taagan xaalad kacsanaan ah oo ka duwan sida uu jawiga ahaa maalmihii lasoo dhaafay, waxaana magaalada isku faafiyay ciidamo aad u hubeysan oo katirsan milliteriga. Saraakiil katirsan milliteriga Suudaan ayaa galay xarumaha Telefeshinka iyo Idaacadda Suudaan, iyagoona joojiyay wararkii iyo barnaamijyadii socday, waxaana lagu dhawaaqay ogaysiis ah in goordhow la baahin doono ... Read More »

Dhaalibaan Oo Askar ku leysay Afqaanistaan.

Wararka ka imaanaya wadanka muslimka ah ee Afqaanistaan ayaa ku waramaya inuu dhacay dagaal xoogan oo dhexmaray ciidamo katirsan Imaarada islaamiga iyo kuwa xukuumadda Kaabul. Dagaalka ayaa yimid, ka gadaal markii ciidamada Mujaahidiinta Imaarada ay duulaan qorsheysan ku qaadeen saldhig milliteri oo ku yaala gobolka Qandahaar, halkas oo ay ku sugnaayeen saraakiil sar sare oo katirsan milliteriga xukuumadda Kaabul. Ciidamada ... Read More »

10 Su’aal oo ay tahay inuu ka jawaabo Ra’iisul wasaare Kheyre.(Dhagayso)

Ra’isul wasaaraha dowladda federaalka Xasan Cali Kheyr ayaa Isniintii la soo dhaafay gaaray magaalada Washington ee caasimada dalka Mareykanka, halkaas oo uu kula kulmi doono madax ka tirsan dowladda Mareykanka iyo masuuliyiinta Bankiga aduunka. Socdaalka Kheyre ayaa imaanaya iyadoo marxalad adag ay mareyso dowladda uu hogaamiyo Maxamad Farmaajo , islamarkaana ay ku xoogeysteen caqabado dhowr ah oo ay ugu horeyso ... Read More »

Qarax ka dhacay wadada Makka Al-Mukarama ee Muqdisho.

Qarax xoogan ayaa wadada aadka amaankeeda loo ilaaliyo ee Makka Al-mukarrama ee magaalada Muqdisho waxaa lagula eegtay sarkaal sare oo katirsan ciidamada Police-ka dowladda federaalka. Col Koronto ayaa qarax jugtiisa laga maqlay qeybo badan oo katirsan magaalada Muqdisho waxaa lagula eegtay laamiga Makka Al-mukarrama gaar ahaan isgoyska Shaqaalaha. Goobjoogayaal aan la hadalnay waxay noo xaqiijiyeen in qaraxa uu burburiyay gaariga ... Read More »

Diyaarad Dagaal Oo Maraykanka Looga soo riday Afqaanistaan.

Ciidamada difaaca cirka ee Imaarada islaamiga ee Afqaanistaan ayaa dhulka soo dhigay diyaarad dagaal oo ay saarnaayeen ciidamo katirsan dowladda Maraykanka ee duulaanka ku jooga wadankaas. Diyaaradda lasoo riday waxaa nooceeda lagu sheegay B52, waxaana ay ku dhacay deegaanka Waashiir ee gobolka Helmand, koonfurta Afqaanistaan, gaar ahaan meel u dhow saldhiga Shawaarib oo horanatii bishii Marso ee sanadkan marti geliyay ... Read More »

Sawirro:Beesha Tunni oo Caleema saaratay Suldaan.

Beesha Shan-Gamaas oo kamid ah beelaha Soomaaliyeed ayaa degaanka Kuunyobarrow ee gobolka Shabeelaha Hoose ku caleema saaratay Suldaan ay horey u doorteen. Xafladda caleema saarka oo ahayd mid si heer sare ah loo soo agaasimay islamarkaana ay kasoo qeyb galeen mas’uuliyiin, wax garad iyo marti sharaf kale ayaa si aad ah loogu maamuusay Suldaan Aadan Cusmaan Ibraahim. Waaliga Shabeelaha Hoose ... Read More »

Ganacsatada Muqdisho Oo beeniyay hadal kasoo yeeray Ra’iisul wasaare Kheyre.

Qaar kamid ah Ganacsatada magaalada Muqdisho ayaa beeniyay hadal dhawaan kasoo yeeray ra’iisul wasaaraha dowladda Xasan Cali Kheyre oo ahaa iney dowladdu guday lacag deyn ah oo lagu lahaa, taas oo gaareysa 100 milyan oo doollar. Ganacsatada ayaa sheegay iney la yaabeen hadalka kasoo baxay Xasan Cali Kheyre, maadama iyaguba ay dowladda ku leeyihiin lacag gaareysa 10  milyan. Waxay intaa ... Read More »

Siisi oo la kulmay Trump.

Magaalada Washington ee caasimadda Maraykanka waxaa booqasho ku jooga madaxweynaha maamulka afgembiga Masar Cabdil-fataax As-siisi, kaas oo la kulmay Donald Trump. Trump ayaa kulan kooban la qaatay dhigiisa Masar, waxayna kawada hadleen arimaha waxa loogu yeero la dagaalanka argagaxisada iyo qodobo kale, iyadoona Trump uu amaan xad dhaaf ah u jeediyay Siisi. Siisi ayuu ku tilmaamay inuu yahay madaxweyne weyn ... Read More »

Banaanbaxyada dalka Suudaan Oo sii Laba Jibaarmay.

Shacabka wadanka Suudaan ayaa kordhiyay banaanbaxyda ay kaga soo horjeedaan maamulka uu hogaamiyo Cumar Xasan Al-bashiir. Kumanaan kun oo qof shacab ah ayaa maalintii labaad oo xiriir ah waxay banaanbaxyo ka dhigayaan afaafka hore ee xarunta Milliteriga Suudaan oo ku taalla magaalada Al-khurdhuum ee caasimadda wadankaas. Ciidamada Amaanka ayaa xoog u adeegsanaya shacabka, waxaana maanta oo keliya magaalada caasimadda ah ... Read More »