wararka

Author Archives: Axmad

Askar katirsan dowladda Oo lagu dilay Shabeellaha hoose.

Qarax xoogan ayaa lala eegtay gaari nooca Cabdi bilaha ay Soomaalidu u taqaan oo ay saarnaayeen ciidamo katirsan kuwa dowladda federaalka. Wuxuu qaraxu ka dhacay inta u dhexeysa deegaannada Sabiid iyo Mareerey, iyadoona gebi ahaanba uu burburay gaariga la qarxiyay, waxaana dhimasho iyo dhaawac ku noqday askarii saarneyd. Inta la xaqiijiyay 7 askari oo katirsan ciidamada dowladda ayaa ku dhintay ... Read More »

Pentagon: Askar ayaa nooga dhimatay Qarax ka dhacay Afqaanistaan.

Bayaan kasoo baxay ciidamada Maraykanka ayaa lagu sheegay in qarax lala beegsaday kolonyo ciidamo Maraykan ah oo ka dhacay dalka Afqanaistaaan looga dilay askar dhowr ah. Ciidamada Maraykanka ayaa xaqiijiyay inay qaraxa oo ka dhacay nawaaxiga saldhiga Bagram ee u dhow magaalada Kaabul looga dilay 3 askari oo Maraykan ah iyo mid afaraad oo katirsan shirkadaha calooshood u shaqeystayaasha ah ... Read More »

Pakistaan oo sheegtay in Hindiya ay qorshaysay weerar ka dhan ah dalkeeda.(Warbixin)

Dowladda Bakistaan ayaa eedayn ujeedisay dalka dariska la ah ee Hindiya kaasi oo ay kala dhaxayso colaad muddo soo jirtay oo ku aadan lahaanshiyaha gobalka lagu muranyahay ee Kashmiir. Paksitaan ayaa sheegtay in Mas’uuliyad daro tahay in Hindiya ay isku diyaariso dagaal iyadoo qeexday inay cadeymo uhayaan dagaalka ay qorshaysay dowladda Hindiya. Labada dal ayaa xiisad waxa ay soo kala ... Read More »

Ciidamo Gadoodsan Oo la wareegay xarunta maamulka ee Xudur.

Askartan oo kusugan degmada Xudur ee xarunta goblka Bakool ayaa weerar kuqaday xafiiska gudoomiyaha mamaulka konfur galbeed ugu magcaban goboolkaas. Ciidamdan oo kagadooday mushar la’aan iyo nolol xumo kuheystay difaacyada ayaa kala wareegay gudomiyaha xafiis kiisa wexeyna dalbadeen in si deg deg ah loo siiyo mushaarkooda iyo saadkooda. Maxamed Cabadi Tool oo ah gudoomiyaha xafiiskiisa la weeraray ayaa warbaahinta la ... Read More »

Suudaan oo koronto la’aan ah iyo baraha Bulshada Oo la xiray.

Iyadoo weli shacabka Suudaan ay dhigayaan dibad baxyo ay kaga soo horjeedaan siyaasadda iyo maamulka Cumar Al-bashiir, ayaa dowladda Suudaan waxay u muuqataa mid kusii adkeysaneysa dhibaateynta shacabkeeda. Habeenkii xalay illaa iyo maanta waxaa la xaqiijiyay inaaney jirin wax koronto ah oo laga isticmaalayo dalka Suudaan, dadkuna waxay xalay ku hooydeen mugdi iyo gudcur, iyadooo taasi ay dhalisay xaalad adag ... Read More »

DEG-DEG: Ciidamada Sirdoonka dowladda oo Weeraray Masjidka Abuu Hureyra.

Saladda casir kadib, ciidamo hubeysan oo katirsan kuwa sida dhow ula shaqeeya Maraykanka, wejiyadana duubta ayaa weerar ku qaaday masjidka caanka ah ee Abuu Hureyra, kuna yaala suuqa weyn ee Bakaaraha. Ciidamada ayaa la sheegay iney isku geedaameen masjidka, xilli ay dadku tukanayaan salaadda Casirka, waxaana markii salaadda laga baxay kadib gudaha masjidka kabahooda la galay qaar katirsan Askarta. Waxay ... Read More »

Gaari Gaashaan oo Shisheeyaha Looga gubay Buula-Mareer.

Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeellaha hoose ayaa ku waramaya in qarax culus lala beegsaday gaari gaashaman oo ay la socdeen ciidamo katirsan Shisheeyaha AMISOM. Qarax ayaa ka dhacay nawaaxiga deegaanka Buula-Mareer ee Shabeellaha hoose, waxaana gebi ahaanba burburay gaariga la qarxiyay. Ciidamadii saarnaa gaariga ayaa la xaqiijiyay in dhamaantooda ay dhinteen, mana jiro askari ka badbaaday. Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ... Read More »

Dagaallo culus oo ka soconaya qeybo kamid ah wadanka Afqaanistaan.

Wararka naga soo gaaraya gobolka Baadqiis ee dalka Afqaanistaan ayaa ku waramaya in gobolkaas uu marti gelinayo dagaallo culus oo dhexmaraya ciidamada Imaarada islaamiga ee Afqaanistaan iyo malleeshiyaad katirsan xukuumadda Kaabul. Dagaalka ugu culus wuxuu ka socdaa magaalada Murqaab, halkaas oo aroornimadii hore ee saaka ay duulaan ballaaran ku qaadeen ciidamada Imaarada islaamiga ee Afqaanistaan, kuwaas oo jihooyin kala duwan ... Read More »

Howlgallo ka dhacay Degmooyin katirsan magaalada Muqdisho.

Dagaalyahannada Xarakada Al-Shabaab ee ka howlgala magaalada caasimadda ah ee Muqdisho ayaa xalay fuliyay howlgallo kala duwan oo ka dhacay qeybo kamid ah gobolka Banaadir. Degmooyinka deriska ah ee Hodan iyo Howlwadaag ayaa ciidamada Mujaahidiinta waxay ku weerareen askar katirsan kuwa dowladda federaalka. Qaraxyo waaweyn ayaa lagu weeraray ciidamada dowladda ee ku kala sugan labada degmo, waxaana qaraxyada kadib ay ... Read More »