wararka

Author Archives: cusmaan

Howlgallo ka dhacay Muqdisho iyo Al-Shabaab oo sheegtay mas’uuliyadda.

Magaalada caasimada ah ee Muqdisho waxaa ka dhacay qaraxyo lala eegtay xubno katirsan dowladda federaalka. Qaraxa koowaad waxa uu ka dhacay isgoyska Dabka ee magaalada Muqdisho, waxaana lala eegtay gaari uu watay sarkaal lagu magacaabo Cumar Sheikh Caamir oo kamid ah saraakiisha garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho. Waxaa qaraxan ku dhintay sarkaalka la beegsaday iyo labo askari oo katirsan ciidamada dowladda, ... Read More »

Khasaaraha ka dhashey weerarkii ka dhacay dalka Iiraan oo sii kordhay.

Faafaahin horleh ayaa laga helayaa weerar hubeysan oo maalintii shalay lala eegtay ciidamo katirsan milliteriga dowladda Iiraan oo sameynayay dhoolatus milliteri, kaas oo ka dhacay magaalada Al-axwaaz ee wadankaas. Khasaaraha ka dhashey weerarka ayaa aad u kordhay, waxaana tirade ay mareysaa dhimashada 29 ruux oo u badan ciidamada dhoolatuska sameynayay, halka dhaawacyadu ay gaarayaan ugu yaraan 60 ruux. Dowladda Iiraan ... Read More »

Dhageyso Barnaamijka Dhuuxa Wareysiyada.

Dhuuxa wareysiyada waa barnaamij mug weyn leh oo habeen walba ka baxa warbaahinta islaamiga ah ee Al-furqaan, waxaa lagu soo qaataa wararkii ugu dambeeyay iyo wareysiyo muhim ah oo dhinacyo kala duwan lala yeesho. Halkan Ka Degso Dhuuxa wareysiyada 22-09-2018. Read More »

Yaman…Caleemaha Geedaha ayay cunaan baahi darteed!

Tuulada Ad-damiina oo dhacda koonfurta gobolka Al-xudeyda, galbeedka dalka Yaman ayay ku noolyihiin Asmaa iyo caruurteeda, aroornima hore ayay kicisaa wiilkeeda weyn ee Anwar, si uu usoo guro caleemaha geed lagu magacaabo Al-xalas oo ka baxa nawaaxiga tuulada. Marka uu soo noqdo kadib, isagoo wata caleemo badan waxay Asmaa caleemahaas ku shubtaa kirli horey loogu shubay biyo kaas oo saaran ... Read More »

Weerar Askar badan lagu dilay oo ka dhacay Iiraan.

Wararka ka imaanaya dalka Iiraan ayaa xaqiijinaya in weerar lagu qaaday ciidamo Iiraaniyiin ah oo sameynayay dhoolatus milliteri. Weerarka ayaa ka dhacay magaalada Al-ahwaaz gobolka Khoozistaan ee dhaca koonfurta dalka Iiraan, waxaana ka dhashey khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo gaaray ciidamada Iiraaniyiinta. Masuul katirsan maamulka gobolka Khoozistaan oo la hadlay warbaahinta ayaa xaqiijiyay khasaaraha horudhac ah ee ka ... Read More »

Dhagayso Barnaamijka Dhacdooyinka Dunida Islaamka 11-01-1440

Barnaamijka  Dhacdooyinka Dunida Islaamka wuxuu kamid yahay barnamijyada todobaadla ah ee ka baxa Idaacadda islaamiga ee Al-Furqaan, waxaana looga faalloodaa arimaha Caalamka Islaamka. Halkan ka dhagayso Barnaamijka Dhacdooyinka Dunida Islaamka 21-09-2018 Halkan ka dhagayso Barnaamijka Dhacdooyinka Dunida Islaamka 21-09-2018.lite Read More »

Sawirro+Dhageysi: Diiradda Jimcaha oo Lagu Falanqeeyay Duqeyntii Uu Shisheeyuhu Ka Geystay Saakow.

Barnaamijka Diiradda Jimcaha oo ah todobaadle maanta oo kale ka baxa warbaahinta islaamiga ah ee Al-furqaan, ayaa waxaa usbuucan lagu falanqeeyay duqeyntii habeenkii Arbacada ee lasoo dhaafay ka dhacday degmada Saakow, gaar ahaan dugsi Qur’aan iyo Isbitalka weyn ee magaalada. Mareykanka oo lagu eedeynayay inuu ka dambeeyo ayaa war qoraal ah oo uu soo saaray ku beeniyay inuu isagu fuliyay ... Read More »

Maamulka Aala-Sucuud oo sheegay inuu sii xoojin doono faragelinta uu ku hayo geeska Africa.

Iyadoo ahmiyadda ay leedahay Geeska  Africa oo uu ku yaalo dalka Soomaaliya si aad ah loo dareemay, tartanka dowladaha ay ugu jiraan iney qabsadaan mandiqadan uu sii xoogeystay ayaa maamulka Aala-Sucuud wuxuu shaaca ka qaaday damaciisa fog ee ku aadan mandiqadan. Safiirka maamulka  Aala-Sucuud u fadhiya dalka Maraykanka Khaalid bin Salmaan ayaa bartiisa twitterka hadal uu ku qoray wuxuu ku ... Read More »