wararka

Author Archives: cusmaan

Weerar Lagu dilay Kudhawaad 20 Askari Oo ka dhacay Jubbooyinka.

Qarax xoogan ayaa lala helay gaari nooca dagaalka ah oo ay saarnaayeen ciidamo katirsan maamulka Jubbaland ee uu hogaamiyo Axmad Madoobe. Gaari nooca Cabdi-bile ah oo ay saarnaayeen ciidamo katirsan maamulka Jubbaland ayaa qarax culus lala eegtay, xilli uu marayay inta u dhexeysa Dhoobley iyo Afmadow. Ugu yaraan 19 askari oo katirsan maamulka Jubbaland ayaa durba ku quur baxay qaraxa, ... Read More »

Barnaamijka Dhacdooyinka Dunida Islaamka 19-05-1440

Barnaamijka Dhacdooyinka dunida islaamka waa todobaadle maanta oo kale ka baxa warbaahinta islaamiga ah ee Al-furqaan laguna soo qaato akhbaaraadkii ugu waaweynaa caalamka. Halkan ka dhagayso arnaamijka Dhacdooyinka Dunida Islaamka 25-01-2019 Halkan ka dhagayso Barnaamijka Dhacdooyinka Dunida Islaamka 25-01-2019 tayo dhexe Read More »

Dhageyso Diiradda Jimcaha oo Lagu Falanqeeyay Mowduuc Muhim Ah.

Diiradda Jimcaha waa barnaamij todobaadle ah oo maanta oo kale ka baxa warbaahinta islaamiga ah ee Al-furqaan, waxaana lagu soo qaataa hadba mowduuca taagan iyadoo lagu marti qaado dad aqoon u leh ama si wanaagsan ula socdo oo diraaseeyay. Jimcahan waxaa lagu lafa guray saameynta weeraradii waaweynaa ee usbuucii hore ka kala dhacay Nairobi, Baar-sanguuni iyo duleedka Buur-hakaba, waxaana marti ... Read More »

Qof hubeysan oo Maraykanka ku dilay shan ruux.

Wararka naga soo gaaraya dalka Maraykanka ayaa ku waramaya in qof hubeysan uu weerar ka fuliyay goob ay ku sugnaayeen dad Ameericaan ah, isagoona dilay tiro dhowr qof ah. Qof hubeysan ayaa weeraray banki ku yaala magaalo kamid ah gobolka Florida ee wadanka Maraykanka, waxaana uu dilay ugu yaraan shan ruux. Police-ka gobolka ayaa shaaca ka qaaday in ruuxa weerarka ... Read More »

Weerar Askar Lagu dilay oo Baydhabo ka dhacay.

Ciidamda Xarakada  Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa habeenkii xalay waxay weerar khasaare dhaliyay ka fuliyeen qeybo kamid ah magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay. Weerar qorsheysan oo ka dhacay gudaha magaalada ayaa lagu dilay 2 askari oo katirsan maamulka maqaarka saarka ee Koonfur-galbeed. Dadka magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in ciidamada dowladda ay lasoo gudboonaatay baqdin xoog leh, kadib markii magaalada ay kusoo ... Read More »

Khilaaf soo kala dhexgalay dowladda Venezuela, iyo labo madaxweyne oo dalkaas ka jira.

Dowladda Venuzuela ayaa waxaa soo kala dhexgalay khilaaf ba’an, kaas oo u dhexeeya gudoomiyaha baarlamaanka ee ka socda dhanka mucaaradka iyo madaxweynaha ay dadkiisu diidanyihiin ee dalkaas. Khilaafka ugu daran wuxuu yimid, kagadaal markii gudoomiyaha baarlamaanka ninka lagu magacaabo Juan Guaido uu shaaca ka qaaday inuu yahay madaxweynaha kumeel gaarka ah ee dalka Venuzuela. Isagoo ka hor hadlayay kumanaan ruux ... Read More »

Shaqada xafiisyada dowladda Maraykanka oo xiran bishii labaad.

Weli waxaa xiran xafiisyada dowladda federaalka Maraykanka, kadib khilaaf soo kala dhexgalay madaxweynaha wadankaas Donald Trump iyo madaxda xisbiga Dimuqraadiga. Waxaa bishii labad xiran inta badan shaqooyinka maamullada federaalka Maraykanka, waxaana gebi ahaanba meesha ka baxay mushaaraadkii ay qaadanayeen shaqaalaha dowladda, kuwaas oo la arkayay iyagoo dawarsanaya dadka Ameericaanka ah. Donald Trump ayaa joojiyay inta badan shaqada xafiisyada dowladda, kadib ... Read More »