wararka

Author Archives: cusmaan

Madaxweynayaasha labada Kuuriyo Oo kulan yeeshay, iyo Rajo badan oo laga muujiyay heshiis ay gaareen labadaas dal.

Kuuriyada Wuqooyi iyo Kuuriyada Koonfureed oo asal ahaan ah hal dal, balse la kala jaray, cadaawad bandanna ay u dhxeyso ayaa taariikhda dhow markii ugu horeysay waxay labada madaxweyne ee dalalkaas yeesheen kulan. Madaxweynaha Kuuriyada Wuqooyi Kim Jong Un ayaa kasoo gudbay xuduud beenaatka khadka cagaaran ah ee u dhexeeyay labada kuuriyo, waxaana uu kulan la yeeshey dhigiisa Kuuriyada  Koonfureed ... Read More »

Kudhowaad 10 Askari oo katirsan maamulka Jubbaland Oo lagu dilay Kamiin.

Ciidamo katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa weerar kamiin ah waxay u dhigeen ciidamo katirsan maamulka Jubbaland oo kamid ah maamullada Shisheeyuhu ka dhiseen Soomaaliya. Kamiinka wuxuu ka dhacay nawaaxiga magaalada Dhoobley oo dhacda xuduud beenaatka Kenya iyo Soomaaliya, waxaana lagu dilay ciidamo badan oo katirsan maamulka Axmed Madoobe. Ugu yaraan 8 askari ayaa naloo xaqiijiyay in lagu dilay dagaalkaas, halka ... Read More »

Caalim u dhashey Turkistaanta Bari Oo ku dhintay Xabsiyada dowladda Shuuciyadda Shiinaha.

Muxamed Saalax Kashqari oo kamid ah culimada muslimiinta Turkistaanta bari ayaa ku geeriyooday xabsi ay maamusho dowladda shuuciyadda Shiinaha. Caalimkan muslimka ah oo dhowr bilood kahor ay gacanta ku dhigeen ciidamada Booliiska Shiinaha ayaan la ogeyn sababaha rasmiga ah ee geeridiisa keentay, waxaana loo badinayaa inuu tacdiib iyo jirdil kula kulmay gudaha xabsiga uu ku jiray. Kumanaan ruux oo muslimiin ... Read More »

Imaarada Islaamiga ah Oo ku dhawaaqday howlgalka cusub ee Guga.

Imaarada Islaamiga ee Afqaanistaan, ee uu amiirka u yahay Mowlawi Heybatullaah ayaa ku dhawaaqday howlgalka cusub ee sanad kasta marka la gaaro Guga ay ku dhawaaqdo Imaarada. Howlgalka cusub, waxaa sanadkan loogu magacdaray Al-Khandaq, wuxuuna si isku mid ah uga billaaban doonaa guud ahaan gobollada iyo degmooyinka uu ka koobanyahay wadanka Afqaanistaan. War kasoo baxay Imaarada Islaamiga ee Afqaanistaan ayaa ... Read More »

Rueters: Hubkii Laga qaatay Xerada Imaaraatka, Waxaa Lagu Iibiyaa Suuqyada Muqdisho.

Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa baahisay warbixin ay ku xaqiijineyso in xeradii Imaaraatka uu ku tababarayay ciidamo katirsan dowladda la qaatay hubkii yaalay, islamarkaana lagu kala iibsanayo suuqyada magaalada Muqdisho. Wakaaladda ayaa xaqiijisay in ugu yaraan 600 oo Qori oo nooca AK Kalashinkov ah laga qaatay xerada uu Imaaraatku ku lahaa magaalada Muqdisho, kuwaasoo haatan iyagoo aad u sicir jaban ... Read More »

Sarkaal Katirsan Sirdoonka Dowladda Oo Muqdisho Lagu Dilay.

Goordhow ayaa rag hubeysan oo katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab  waxay magaalada Muqdisho ku toogteen Sarkaal katirsan sirdoonka dowladda oo ku sugnaa degmada Waaberi. Sarkaalka la toogtay waxaa lagu magacaabaa Axmed Maxmuud Buulle, waxaana qeybaha sare ee jirkiisa ka toogtay rag bastoolado ku hubeysan oo katirsan Al-Shabaab. Markii uu dilka dhacay kadib, waxaa goobta si nabad geliyo ah uga baxsaday raggii ... Read More »

Mixnadda Islaamka ku haysata Faransiiska..Iyo Siyaasiyiin Soo Jeediyay In Aayado Quraan La Tiro.

Dalka Faransiiska oo kamid ah wadamada Reer galbeedka waxaa uu kamid yahay wadamada ugu badan ee takoorka iyo faquuqa ay kula kulmayaan Jaaliyadaha muslimiinta ee kudhaqan wadamada Reer galbeedka. Dalkan waxaa ku nool shakhsiyaad caan ah oo si bareer ah ugu gefay diinta islaamka iyo muslimimiinta, waxaana ay helaan dhiiragelin iyo taageero ka imaaneysa dhanka madaxda wadamada galbeedka ee dagaalka ... Read More »

Dhagayso: Tarjamada Afsoomaaliga ee Kalimadda cusub ee Sheekh Abuu Cubeyda.

Idaacadda islaamiga ee Al-Furqaan waxay idin soo gudbineysaa tarjamada Afsoomaaliga ee kalimad dhawaan uu jeediyay amiirka guud ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab Sheekh Axmed Cumar Abuu Cubeyda, taas oo uu kaga hadlay xaaladda Shaam. Sheekha wuxuu fariintan cusub kusoo gudbiyay talooyin iyo towjiihaat ku socoda Reer Shaam oo wajahaya ol ole milliteri oo ballaaran oo uga imaanaya dowladaha ugu weyn caalamka. ... Read More »