wararka

Author Archives: guuleed

Dhageyso Dhuuxa Wareysiyada.

Dhuuxa wareysiyada waa barnaamij mug weyn leh oo habeen walba ka baxa war baahinta islaamiga ah ee Al-furqaan, waxaa lagu soo qaataa wararkii u dambeeyay iyo wareysiyo muhim ah oo dhinacyo kala duwan lala yeesho. Dhageyso Dhuuxa wareysiyada 24 04 2016. Read More »

Sidee loo arkaa kufsigii askarta Jabuuti ku kacday?

Dhawaan askarta jabuuti ee degan magaalada buulo barde ee gobalka hiiraan ayaa kufsatay mid mid ah haweenka magaaladaas ku dhaqan waxaana goobtii lagu xoogay laga soo qaaday iyadoo dhiig baxeysa. Janan jabuutiyaan ah iyo askar uu hogaaminayay ayaa la sheegay in ficilkaa foosha xun ay ku dhaqaaqeen. Indheer garadka gobalka Hiiraan waxay tilmaamayaan in arintaasu tahay mid aad looga xumaado ... Read More »

Ciidamada shisheeye iyo shacabka Muqdisho.

Shalay askarta shisheeye ee xamar joogta waxay deegaanka lambar afar nin oday ah ku jiirsiiyen gaari gaashaaman oo ay wateen iyadoo dhaawac daran ka gaaray mid ka mid ah labadiisa lugood. Dabadeed shacabka ayaa aad u carooday waxaanay isku hor gooyeen gaarigii arintaasoo shisheeyaha caqabad ku noqotay. Midka mid ah dadka muqdisho oo ay wareysatay Idaacadda Islaamiga ah ee Alfurqaan ... Read More »

Maxaad ka taqaan haruubka soomaalida Cadawgeedu ku maalo?

Shisheeyaha iyo intii xumaan doonuhu waxay Soomaalida ku maalaan haruubka qabyaaladda kaasoo kolkii loo soo qaato ay badankeed si dhaqso leh u godlato. Qabyaaladdu waxay qurmisay qalbiyada in badan oo Soomaalida ka mid ah waxaanay ka raariday meel qar iyo booraan ah. Abwaan Cabdulaahi Suldaan Tima cadde waa kii lahaa dugsi male qabyaaladu waxay dumiso mooyaana. Hadda Soomaaliya waxaa ka ... Read More »