wararka

Sawiro & muuqaalo

Sawirro Saakoow iyo sida looga ciiday.

Magaalada saakoow ee gobalka jubada dhexe ayaa maanta si weyn looga ciiday waxaana bulsahdu salaadda ciidda ku tukadeen fagaare weyn oo aad loo hagaajiyay. Saraakiil iyo ciidamo ka tirsan xarakada mujaahidiinta alshabaab ayaa qeyb ka ahaa dadka goobta ku tukaday waxaana qeybaha kala duwan ee bulshada laga dareemayay farxad badan. Sheekh xasan yacquub cali waaliga galgaduud oo saakow maalmahaan ku ... Read More »

Sawirro: Beeraleyda Shabeellaha hoose oo ku guda jira Tabcashada Beeraha.

Socdaal gaaban oo Wariyaal katirsan Idaacadda Islaamiga ah ee Al-Furqaan ay ku mareen qeybo kamid ah deegaannada Wilaayada Islaamiga ah ee Shabeellaha hoose waxay kusoo arkeen barwaaqo ballaaran oo uu Alle siiyay dadka Muslimiinta. Biyaha Roobka ayaa fadhiya wadooyinka, waxaana isbedel laga dareemayaa dhirta ka baxda hareeraha wadooyinka oo aad u cagaartay. Beeraleyda ayaa durbaba bilaabay iney tabcaan beeraha islamarkaana ... Read More »

Sawirro muujinaya weerarkii fashilmey ee Maraykanka ka fuliyay Soomaaliya oo la baahiyay.

Markii ugu horreysay waxaa la helay Sawirro muujinaya raadadka ka dhashay dagaalkii ka dhacay deegaanka Daaru-Salaam ee gobolka Shabeellaha hoose, kaas oo dhexmaray ciidamo Maraykan ah iyo kuwa Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab. Sawirrada la baahiyay waxaa lagu arkayaa dhiig farabadan oo ku daatay barxadda la isku farasaaray, waxaa sidoo kale la arkayaa qeyb kamid ah jirka Askari Maraykan ah oo goobta ... Read More »

Daawo Hey’adda Al-Ixsaan Oo Raashin Ka Qeybisay Mudug.

Daawo Hey’adda Al-Ixsaan Oo Raashin Ka Qeybisay Mudug. Jamciyadda Kheyriga ah ee Al-ixsaan oo gurmad lixaad leh ka wada wilaayaadka islaamiga ah, ayaa raashin ka qeybisay degmada Xarardheere iyo tuulada Dumaaye oo ka wada tirsan gobolka Mudug. Sida laga dheehan karayo muuqaalka, waxaa raashinka loo qeybiyay dad boqolaal ah oo ay saameyn ku yeesheen abaaraha, kuwaasoo ay kamid yihiin waayeello. Read More »

Sawirro: Jamciyadda Al-Ixsaan oo gurmad la gaartay deegaanno hoosyimaada Qoryooley.

Howlaha Gurmadka ee ay wado Jamciyadda kheyriga ee Al-Ixsaan ayaa gaaray deegaanno dhaca duleedka degmada Qoryoolay ee gobolka Shabeellaha hoose. deegaanka Doon-buraale wuxuu hoosyimaada Qoryoolay, waxaana dhawaan gurmad ballaaran ka qeybiyay Jamciyadda Al-Ixsaan. Dadka Raashiinka loo qeybiyay waxay cadadoodu gaareysaa 210 Ruux, waxaana ay ahaayeen kuwa u baahi qaba gurmadka loo sameeyay. Read More »

Sawirro: Wilaayada Islaamiga Jubbooyinka oo dib u furtay mashruucii Faanoole.

Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab oo ku jirta dagaal caalami ah oo looga soo horjeedo Shisheeyaha kusoo duulay Soomaaliya ayaa dhanka kale waxay Wilaayaadka Islaamiga ka wadaa mashaariic iyo howlo ay ku diirsadeen dadka Soomaaliyeed. Markii ugu horeysay 27 sano kadib, waxay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ku guuleystay iney dib u furto mashruucii caanka ahaa ee Faanoole, kaas oo ah mashruuc weyn islamarkaana ... Read More »

Daawo: Qaybta Sedexaad ee Hay’adda Al-Ixsaan iyo Daryeelka Bulshada.

Idaacadda Islaamiga ah ee Alfurqaan ayaa baahisay qeybta Sedexaad muuqaallo ay kasoo duubtay waxqabka hay’adda kheyriga Al-Ixsaan ay kawado wilaayaadka Islaamiga ah ee Soomaaliya. Qeybtan Sedexaad ee Filimka waxaa lagu soo bandhigay howlo gargaar ah oo hay’adu ka fulisay wilaayada Islaamiga ah ee Bay iyo Bakool gaar ahaan deegaanada Buur-dhuxulle iyo Labaatan Jirow. Gargaarka hay’adda ay ka qeybisay deeganadaas wuxuu ... Read More »